Taariikhda Halgamaa Cali Bahdoon

Sooyaalka iyo Halgankii:CALI  BAHDOON  BUUX .

Geesiyaal badan baa u soo halgamay oo nafahoodii qaaliga ahaa u huray xornimada neecawda qabow leh iyo calanka dusheenna ka babanaya. Waatii horey loo yidhi, “Gobannimadu Waa Geed Ku Baxa Dhiigga Geesiyada”. Haddii kumanaan dadkeenna ahi u soo mudan xadhig, silic saxariir iyo masaafuris joogta ah, inteenna maanta nooli kuma caweyneen nabadda iyo dawladnimada aynu ku faanno maanta. Xornimada waxa lagu gaadhay midnimo iyo wadajir, hasayeeshee goor kasta dadweynaha rag geesiyaal ah baa hoggaamin jiray oo indho u ahaa iyo ururro ku abtirsada waddaninnimo. Haddaba maanta oo aynu guranayno midhihii ku baxay dhiigga geesiyaasha, waxa waajib inna saaran ah dawlad iyo dadweynaba in goor walba loo duceeyo lana xuso sooyaalkii iyo halgankii ay u soo galeen gobannimada aynu maanta ku naalloonayno.

Waa ayaandarro haddii haba yaraatee waxba laga qori waayo halgankii dheeraa ee loo soo galay xornimada/gobonimodoonka. Aniga oo ka mid ah inta uu xilku ka saaran yahay isla markaana waajibkayga gudanaya, waxan halkan ku soo bandhigi maqaal kooban oo aan ku soo ururiyey sooyaalkii Allaha u naxariistee geesigii Cali Bahdoon Buux oo baal dahab ah kaga jira halgankii xoraynta dhulka Soomaalida, gaar ahaan Jabuuti.

Cali Bahdoon Buux Allaha u naxariistee waxa uu ahaa geesi u soo halgamay xornimada Jabuuti. Cali Bahdoon halgankiisu kuma koobnayn oo keli ah xoraynta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee waxa uu ahaa nin waddani ah oo u dagaalamayey dhulkii Soomaaliyeed ee ay kala qaybsadeen gumaystayaashii reer Yurub iyo Amxaaro. Cali Bahdoon waxa uu aaminsanaa in Soomaali oo dhan ay yeelato calan iyo dawlad keli ah. 

Dhalashadiisii iyo kacaankisii dhalinyaronimo. 

Cali Bahdoon waxa uu ku dhashay magaalada caanka ah ee Ayshaca oo imika ka tirsan Dawlad-Deegaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Sitti. Ayshaca waxay xuduudda Jabuuti u jirtaa hilaada (qiyaasta) 50km, waxana dhex mara khadka tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Diri-dhaba. Haddaba kol haddaynu kor ku soo xusnay magaalada Ayshaca inay caan tahay waxa habboon inaan tilmaan kooban ka bixiyo sooyaalka Ayshaca. 

Ayshaca waxay ka mid tahay magaalooyinka aasaasmay markii la dhisayey khadka tareenka ee xidhiidhiya Jabuuti iyo Addis Ababa. magaaladu waxay ku taal meel malko ah oo aad ugu dhaw Calisabiix (Jabuuti) oo ka xigta dhinaca woqooyi-bari. Dhinaca bari waxa kaga toosan magaalada Cabdulqaadir oo katirsan gobolka Selel. Maadaama ay ku taal meeshaa malkada ah waxa ay noqotay Ayshaca meel ay ku kulmaan safarrada ka kala yimaadda Calisabiix, Cabdulqaadir, Diridhaba iyo Saylac, intaa waxa u dheeraa tareenada oo habeen iyo maalinba isweydaaranaya.

 Arimahaas oo dhan baa Ayshaca ka dhigtay meel ganacsi xooglihi ka socdo oo lagu kala beddesho lacagihii ay kala lahaayeen gumaystayaashii dhulka xukumi jiray ee Ingiriis, Faransiis iyo Amxaaro.


Ayshaca iyo gobonimodoonkii soomali weyn. 

Halgankii xornimadoonka Soomaalida dadweynihii reer Ayshaca qayb ballaadhan oo muuqata bay ka qaateen, waxay ka mid ahayd magaalooyinkii u horreeyey ee ururkii Leegada laga furo, ganacsatadii magaaladu dhaqaale badan bay ku bixin jireen halgankii xornimadoonka ee loogu halgamayey midaynta dhulka Soomaalida oo dhan.


Xasuuqii Ayshaca 1960

1960kii, markii ay xoroobeen labadii gobol ee ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala haysteen ee la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaalida, dabaaldegyo iyo banaanbaxyo loogu badaaldegayo farxada xoriyada soomalida waqooyi iyo koofureed ayaa ka dhacdey Ayshaca. wax yar ka dib,bishii Sideedaad 1960, ayaa dawladii Itoobiya oo uu markaa boqor ka ahaa Xayla Salaase iyadoo aad uga xun xornimada Soomaaliya,iyo Magaaladan ka soocan dhulka intiisa kale ee fikirka soomali weyn aad ugu xidhan. ayaa ciidamo tiro badan kusoo daabushay Magaalada Ayshaca oo go'doon galisey. Waxan ay cagta mariyeen dad iyo duunyo wixii joogay magaalada Ayshaca.

 Halkaa dadkii ku dhintay boqollaal bay kor u dhaafeen, qaar kale oo badanna way ku dhaawacmeen. intii xasuuqaas ka badbaadeyna,waxay u kala qaxeen Cabdulqaadir oo ka tirsan gobolka Selel iyo Calisabiix oo ka tirsan Jabuuti. 

Xasuuqaa ay Amxaaradu u geysatay Ayshaca rag badan baa gabayo ka tiriyey, waxa ka mid ahaa Allaha u naxariistee gabayaagii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc,wuxu yidhi; 

"▪︎ Saqiir iyo kabiir reer Ayshaco, nabad ku soo hoyday, 

▪︎ Sardhaday galeen baad qumbulad, suna ku tuurteene, 

▪︎ Surkaa wada jarteen wiilashii, timaha soohnaaye,

▪︎ Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa, waa siqsiqayaaye. 

▪︎Suldad-Xabashiyeed nimay heshaa, waa sac kuu taliye".


 Haddaba, geesigii Cali Bahdoon magaaladaa waddaninimadu buuxisay buu ku dhashay kuna barbaaray. Cali Bahdoon yaraantiisiiba barbaar firfircoon oo fadalla cad buu ahaa. Walaalkii oo ka weynaa lana odhan jirey Giirre Bahdoon oo xeer-yaqaan ahaa, geedaha garta lagu qaadana aan looga maarmi jirin isla markaana ahaa caaqilladii ka talin jirey magaalada Harar ayaa dugsi Quraan ku daray, hasayeeshee cid noo sheegta ma arag halka uu ka gaadhay waxbarashada. Cali Bahdoon yaraantiisii kumuu ekeyn oo keli ah Ayshaca ee wuxuu u kala socdaali jirey Jabuuti, Diri-dhaba, Saylac iyo Harar. 

Cali Bahdoon waxa la sheegey inuu ahaa wiil aad u maskax furan oo caqli badan, walaalkii Giirre Bahdoon markuu ogaaday inuu Cali yahay wiil fiiro dheer ayuu go’aansaday inuu u diro dibadaha si uu u soo biirsado aqoon iyo waaya-aragnimo. 

Hayaankiisii qaarada yurub

Giirre iyo Cali waxay u socdaaleen oo ay tageen magaalada Berbera. Cid noo sheegta ma arag taariikhdii ay ahayd, waxse la hubaa inuu Cali Bahdoon Berbera markab ka raacay una socdaalay qaaradda Yurub. 

Cali intii uu joogay Yurub waxa uu u badnaa dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga. Kadib markii uu soo biirsaday aqoon iyo waaya-aragnimo ku filan isla markaana uu soo xoogsaday ayuu dalka ku soo noqday oo uu Jabuuti soo degey.

  Wax yar uun ka hor dagaalkii labaad ee dunida ayuu Cali magaalada Djibouti dib ugusoo laabtey.  Isla markiiba ,Cali Bahdoon waxa uu shaqo  ka bilaabey shirkad Jarmal ah oo hilibka dhoofin jirtay oo uu muddo la shaqeeyey, beryihii dambana waxa uu noqdey ganacsade iskii u xoogsada. 

Xilligaa uu cali ku soo noqday Jabuuti, waxa magaalada ka socday dhisme xoog leh gaar ahaan xaafadaha ganacsigu u badan yahay ee guudka loo yaqaan, Gasiira iyo dekedda. Cali Bahdoon dal jacaylkiisii baa tusay in magaaladu u baahan tahay geedo lagu beero si looga hadhsado kulaylaha lagu yaqaan xeebaha badda cas. Cid kasta way ogtahay kaalinta ay geeduhu kaga jiraan nolosha. 

Dhireyntii Cali bahdoon ee magalada Djibouti. 

Dabadeed, Cali maamulkii gumaysiga ayuu u tegey oo uu ka codsaday in geedo lagu beero magaalada. Jawaabtii uu maamulka gaalku bixiyey baa noqotay, dhulkiinnu waa wada milix oo geedo kama baxayaan.

 Intaa kumuu joogin ee waxa uu u tegey ninka ay dawladdii gumaysigu soo wakiilatay ee loo yaqaanay Waaliga. Waaliga qudhiisu jawaabtii hore oo kale ayuu Cali ugu jawaabay.

 Halkaa kuma joogsan Cali, waxana uu ku yidhi "anaa idin tusi oo magaaladan saxaarahaa ah waxan ka dhigi mid dhireysan oo geedo la hadhsado iyo bilicleh".(hadal sidaa u dhigmayey)  haku daalin buu gaalkii yidhi. Madaama oo Cali Bahdoon aqoon fiican  u lahaa deegaankiisa, geedaha ku habboon ee ka bixi kara dhulka xeebaha ah buu aad u yaqaannay. Cali ayaa usocdaalay magaalada Berbera,madama magaloyinka Djibouti iyo berbera dhanka cimilada isku mid yihiin,waxaanu ka soo qaaday geedka loo yaqaan Dhamasta ee aadka u waaweyn ee haatan sida xoogga ah ugu badan Jabuuti. Geedihii u horreeyey ee uu keeno ayuu gacmihiisa ku beeray bannaanka weyn ee u dhexeeya baananka ku yaal Jabuuti ee loo yaqaan (place Lagarde). 

Tijaabadii u horreysay markay guulaysatay ayuu ku baahiyey meelo badan oo ka tirsan magaala madaxda Jabuuti. Markaa ka dib maamulkii Faransiiska ayaa geedaha daraaddood Cali Bahdoon ku sharfay oo loogu tolay billad sharaf. 

Geedihii uu berigaas beeray waa kuwa weli taagan ee dhaxalgalka noqday. Waa guushii u horreysay ee uu dalkiisa u soo hooyey Cali Bahdoon. Geedkan Dhamasta ah waxa uu gaalkii Faransiisku u bixiyey “LELAURIER DE SOMALIE”.

Sannadkii 1900kii waxa Jabuuti soo degey shirkado Faransiis ah oo bilaabay inay milixda dhoofiyaan. Milixda oo ka mid ah khayraadka ugu waaweyn ee laga helo dalkan Jamhuuriyadda Jabuuti.Shirkadahaas oo milixda ka heli jirey macaash fara badan.

 Shirkadahaasu waxa ay ahaayeen kuwo dhiigmiiran jiray shaqaalihii Soomaalida ee u shaqayn jirey. Shaqaalaha wax xuquuq ah looma oggolayn, saacado fara badanna way shaqayn jireen gunnaduna aad bay ugu yarayd. Intaa waxa u dheeraa iyagoo dusha laga saari jirey niman Carab ah oo Yaman laga soo waaridi jirey. Shirkaddii ugu waynayd ee milixda dhoofin jirtay waxay shaqaalaha madax uga dhigtay nin Yamani ahaa oo magaciisa la odhan jirey Maxamad Cumar oo gaalada daacad u ahaa isla markaana ka mid ahaa raggii shaqaalaha Yamanida ah keeni jiray.

 Dhinaca kale, xilligaa waxa socday dhismaha dekedda caalamiga ah ee Jabuuti, shaqada halkaas ka socotay qudheeda in ay ka xammaashaan dadkii Soomaaliyeed ee dhulka lahaa waa looga dacareeyey oo Carabtii Yaman laga soo waaridayey baa shaqada oo dhan haysatay. Intaa waxa dheeraa shaqaale ay Jabuuti ka qoran jireen maraakiibta waaweyn ee xamuulka qaadda oo iyaguna qoran jiray xoogsato laga keenay dalka Yaman. Dadkii Soomaaliyeed ee dhulka u dhashay waa looga dacareeyey in haba yaraatee la siiyo wax shaqo ah.

Aasaaskii ururka Alkheyriya iyo udoodida xuquuqda shaqaalaha.

Iyada oo xaalku sidaa ucakiranyahay, 1900 iyo soddomeeyadii ayuu bilaabay in uu cadaaladdarradaa ka dhiidhiyo geesigii Cali Bahdoon, waxa uu aasaasay ururkii u horreeyey ee gobannimo-doon ah oo laga furo dhulka Soomaalida oo dhan, ururkaas oo la odhan jirey Al-khayriya. 1935kii waxa uu ururku abaabulay bannaanbax ay badmaaxyadii Soomaalidu ku diiddanaayeen markab dekadda ku soo xidhay oo shaqaale Carbeed qortay. Bannaanbaxaas oo ku dhammaaday rabshado gacmaha la iskula tagay. 

Intaa kuma uu joogine guddoomiyihii ururku Cali Bahdoon, waxa uu waraaqo u qoray maamulkii gumaysiga oo uu ku dalbanayo in shaqaalaha Soomaalida loo oggolaado inay ka shaqaystaan dekadda Jabuuti isla markaana la daryeelo xoogsatada u shaqaysa shirkadaha milixda dhoofiya. Wax badan buu Cali Bahdoon u khudbeeyey shirarna la qaatay shaqaalihii ay dulmiga ku hayeen shikadihii milixda, isaga oo ku guubaabinaaya sidii ay xuquuqdooda u soo dhacsan lahaayeen.

 Ururkaa Alkhayriya raggii ay wada aasaaseen Cali Bahdoon waxa ka mid ahaa Siciid Qarayare oo guddoomiye ku xigeenka ururka ahaa iyo Cabdi Faarax oo ahaa xoghayihii ururka. Xaruntii ururka waxa laga furay aqal ku yaallay suuqa loo yaqaan Indhacad oo ku yaal badhtamaha magaalada Jabuuti. 

Ururkaasi waxa uu soo jiitay dad badan oo Soomaali iyo Cafarba leh oo is qoray xisbiga. Dhaqaalaha ururka waxa bixin jiray danyartii ka xoogsanaysay shirkadihii milixda, xoolo dhaqatada iyo ganacsatada yaryar. Muddo kooban gudaheed ayuu magaca ururku gaadhay meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto. 

1937kii ayuu guddoomiyihii ururku Cali Bahdoon wafdi ballaadhan oo ka kooban (7) toddoba xubnood u diray dhulka Somaliland ee uu xukumayey gumaysigii Ingiriisku. Wafdigaas oo uu hoggaaminayey ku-xigeenkii xisbiga Siciid Qarayare waxay socdaal guubaabo ah ku mareen isla markaana ay ka fureen xafiisyo ururku leeyahay magaalooyinka kala ah Hargeysa, Burco iyo Berbera. Xilligaa uu wafdigu socdaalka ku marayey Somaliland, waa markii la xarriiqayey xuduud-beenaadda u dhaxaysa dhulkii ay kala qaybsadeen Ingiriis, Faransiiska iyo Amxaaro oo ku beegnayd 1934kii. Sidaa daraaddeed waxay dadweynaha ay la kulmayeen ku guubaabinayeen in la is hortaago xuduud-beenaadda. Xaruumihii uu ururku ka furay magaalooyinkii Somaliland, muddo yar ka dib gumaysigii Ingiriiska ayaa oodda ku rogay ururkiina mamnuucay.

Iskudhicii Somalida iyo Carabta.

1936kii halgankii xisbiga Alkhayriya ku jirey ayaa cirka isku shareeray madaxdii ururkuna si cad oo madmadow ku jirin bay ugu dhawaaqeen in gumaysigu ka baxo dalkooda oo ay xornimo qaataan. 1937kii waxa sii kordhay oo meel xun gaadhay kacdoonkii lagu diiddanaa shaqaalihii Yaman laga keeni jiray. Haddaba si loo baajiyo dhiig daata, ururkii Alkhayriya waxay talo ku soo jeediyeen in xoogsatada Carabta ah dhulkoodii lagu celiyo. Maamulkii gumaysigu taas uu oggolaaday, hasayeeshee qaar ka mida ganacsatadii Carabta ayaa arrintii daba-ka-waydaaratay oo la heshiiyey odayo dhuuni-raacyo ah. 

Odayadaa oo ku qanciyey madaxdii maamulka gumaysiga in Carabtu yihiin dad Muslimiina oo walaalahooda, isla markaana ay raali ka yihiin in ay dalka ka shaqaystaan. 

Markaa ka dib maamulkii gumaysiga ayaa ka noqday go’aankiisii hore iyo heshiiskii ahaa in xoogsatada Yamanidu ku noqdaan dhulkoodii.

 Go’aankaa ka dib dhallinyaro fara badan oo Ciise ah kana tirsanaa kuwii loo diiday in shaqo laga siiyo dekedda Jabuuti ayaa go’aan ku gaadhay inay weeraraan Carabtii dibadda laga soo waaridayey ee dhulkooda ku cidhiidhiday. 

 Iskudhac uu dhiig ku daatey ayaa dhexmarey carabtii farasiisku naasnuujin jirey iyo soomalidii. Tiro badan oo iskugu jirey carabtii xoogsatada iyo ganacsatadii yemenida ayaa dhegta dhiiga loo darey,qaarna waala dhaawacay.Habeenkaa wixii ka dambeeyey Yamanidii la soo waaridayey cagahooda ayey wax ka dayeen dhulkoodii bayna ku noqdeen iyagoo habqan ah. 

Taasi Soomaalidii fursad ballaadhan bay u noqotay oo ay shaqo kaga helaan dhulkoodii laga horjoogey. Gumaysigii Faransiisku isagoo marka horeba ulo booco ah ugu tukubayey ayuu Xisbigii Al-Khayriya ku eedeeyey inuu isagu ka dambeeyey dagaalka dhacay. Dhacdadaa ka dib gumaysigu oodda ayuu ku rogey ururkii, madaxdii iyo taageerayaashii qaar badan oo ka tirsanna xabsiyada ayuu ku hubsaday. 

Guddoomiyihii Xisbiga Cali Bahdoon Buux iyo ku-xigeenkii Siciid Qara-yare xabsiga dhexe ayaa loo dhaadhiciyey, xoghayihii Cabdi Faarax isaga waxa loo masaafuriyey gasiiradda Madagaskar. Inta sannadood ee ay xidhnaayeen cid noo sheegta ma arag, hasayeeshee intii ay xabsiga ku jireen ayuu gumaysigu si xun ula dhaqmay jidh-dil xoog lehna u geystay gaar ahaan Cali Bahdoon. Cali Bahdoon xabsiga ayuu ka soo baxay isaga oo caafimaadkiisu wanaagsanayn. Waayadii dambe nabarradii xabsiga ka soo gaadhay awgood ayey maskaxda wax uga dhinmeen. Dadka qaar baa qaba in Cali Bahdoon Carabtii ay ku colloobeen halganku ay sixir iyo baab uga soo qabteen Yuhuud magaalada deggenayd. 


Geeridii Halgamaa Cali Bahdoon.

Hadal iyo dhammaan Cali waxa uu ahaa geesi naftiisa iyo maalkiisaba u huray xoraynta dalkiisa iyo dadkiisaba. Cali Bahdoon u dambayntii waxa loo qaaday magaaladii uu ku dhashay ee Ayshaca si loo soo dabiibo, halkaas oo uu aakhirkii ku xijaabtay laguna aasay-Raxmatullaahi Caleyhi.

Allaha u naxariistee Gabayaagii waddaniga ahaa ee Xaaji Aadan Afqallooc, sannadkii 1947kii markii uu tirinayey gabaygii uu ugu calaacalayey geesigii Sheekh Bashiir ee gumaysigii Ingiriisku dilay, waakii ku soo daray ee lahaa (GOBANNIMO DUQII CALI BAHDOON, DOONISTEED DHIMAYE). Cali Bahdoon waxa uu ifka kaga tegey laba wiil oo kala ahaa Cusmaan Cali Bahdon, Maxamad Cali Bahdon iyo gabadh Siciida Bahdon la yidhaa ( Saddexdaba Alle ha u naxariisto). Cali Bahdoon intii uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen waa dhawr iyo konto qof.


TIXRAAC;

1) Siciida Cali Bahdoon waraysi dheer oo aan la yeeshay, sawirkana iyada ayaa iigu deeqday.

2) Waraysi uu raadiyo Muqdisho la yeeshay Bishii Mars 1967kii, Xaaji Maxamuud Cabdi Shaqalle ( reer Hargeysa).

3) Waraysi uu raadiyo Muqdisho la yeeshay Bishii Mars 1967kii, (Xaaji Daahir Cilmi Reer Boorama).


Ururintii iyo qalinkii Cabdalla Xaaji Cusmaan.



Post a Comment

0 Comments