Waa kuma Imaam Ahmed gurey?
Dhalashadiisii
Ahmed bin ibrahim alqazi oo loo yaqaaney "Ahmed gurey" waxa uu qiyaastii 1506 milaadiga( la iskuma waafaqsana taariikhda dhalashadisa) ku dhashay Hubet oo ah duleedka Harar imikana loo yaqaano adari qadiim.
Aabihii waxa la odhan jiry Garad Ibrahim waxana uu gudoomiye ka ahaa Sim oo udhaw Hubat. ,xiligii Amiir Maxfus uu ka talinayay harar iyo Saylac,Garad Ibrahim iyo Garad Abun waxa ay ahayeen labada hogaamiye ugu caansanaa qabiilka xarla dhexdiisa.
Hooyadii waxa la odhan jirey Shamshiy sida uu xusey taariikhyan Christian ah. Hase ahaatee magaca hooyadii marna laguma xusin qoraalada afcarbedka ku qoran. Habayartii oo hooyadii la dhalatey waxa ay ahayd xaaska Caaqil dhaqamedka dadka Xarla-da.(xarladu waa qoomiyada degan harar iyo nawaaxigeeda).
Qoyska Ahmed gurey kasoo jeeday.
Ahmed gurey waxa la dhalatey laba wiil iyo sadex Hablood. Mida uweyn oo la odhan jirey Fardawsa waxa guursadey Garad Mataan b. Osman oo ahaa garaadka guud ee qabiilka Geri ee somaliyed. Mida ku xigtey waxa guursadey Garad kaamil oo ahaa shakhsi magacleh oo qoomiyada Adari-da ah(harari),kana mid ahaa council-ka imamka Harar. Mida sadexaad oo xogtan magaceeda lagu xusin waxa guursadey Amir mujahid b. Ali oo ahaa caaqil dhaqamedka Dadka Adari-da. Sidoo kalena ahaa general fardo-fuul ah oo ka tirsanaa ciidamada Ahmed gurey waana Aabaha dhaley Amir nuur Mujahid oo xilka uga dambeeyey ahmed gurey (1552-1567).
Walalkisa weyn waxa la odhan jirey Abun wana ninka badaley kursiga Aabihii ee hogaamiyaha Sim. Waxana uu ahaa gudoomiyaha Sim kadib geerida Aabihii isaga oo hoos iman jirey maamulka Amiir Maxfuus. Waxa lagu diley mid ka mid ah dagaaladii uu kula jirey amiirku kiristaanka ka hor 1516. Mohamed oo ahaa ninka da'ahaan ku xigey Abun ayaa kursiga garadka Sim la wareegay. Tarikhyahanada qaar ayaa sheega in Ahmed gurey uu ka weynaa Mohamed waase laga xoog badanyahay,maxaa yeelay hadii ahmed gurey ka weynan lahaa mohamed isaga ayaa xilka garadka Sim qabanlahaa.
Ahmed ibrahim alqazi (gurey) waxa uu guursadey gabadha uu dhalay amiir maxfuus ee baitya del wambara.
Hogaamintiisii iyo sidii uu talada kula wareegay.
Kadib markii amiir maxfuus lagu diley dagaalkii udhexeeyey saldanadii harar ee muslimiinta iyo boqorka abasiinaya ee libnedengil oo taageero ka helaya ciidamadii burtaqiiska ee uu hogaaminayay Lopez saurez.
Xukunkii harar waxa uu galay hirdan iyo xafiiltan siyaasadeed.
Waxa mudo laba sano gudaheed ah isku badaley 5 suldaan. Iyadoo xaalku qasanayahay muslimiintuna quus taaganyihiin Waxa kasoo dhexbaxay siyaasi rug cadaa ah oo ku guuleystay in uu mideeyo saldanada,wana garad abogn bin adish,kaas oo 1520 dib usoo celiyey kaladambayntii iyo sareyntii sharciga.
7 sano oo uu xukunka hayey garad abogn waxa uu bulshada ku dhaqay cadaalad,iyo sinaan waxana dhulka saldanadu ka taliso laga mamnuucay shey kasta oo shareecada islaamku mamnuucdey. Waxa uusoo dhaweystey dadka elhu cilmiga diinta iyo akhyaarta ah.
Xiligan uu garad abogn bin adish uu xilka harar hayay,Ahmed gurey waxa uu ahaa sarkaal fardafuul ah oo ka tirsan ciidanka Saldanada.
1525 ayaa la diley garad abogn bin adish waxana diley ninkale oo suldan Abubokor bin maxamed bin maxfuus la yirhado oo ku doodayey dhaxalka saladanada Harar. Dib waxa ubilaabmey khakhal siyaasadeed amnidaro, musuqa,cabista khamrada ,qaadicu dariiqa iyo dilka ayaa batay. Waxana meesha ka baxay culimadii diinta iyo samewadayaashii.
Axmed gurey iyo rag ay saxiibo ahayen ayaa u adkeysan waayey xaalka muslimiintu ku suganyihiin. Isaga iyo ciidamo uu watayna waxay ka goosteem maamulkii harar,waxana ay saldhig ka samaysteen hubet oo ah magaaladii ku dhashay iyo deegaankiisii.
Xiligaa Ahmed gurey oo ku sugan hubet waxa soo gaadhey warka sheegaya in ciidamado kiristaan ah oo kasoo noqdey Dawaro uuna hogaaminayo Azmash fanaul aykusoo wajahan yihiin Hubet ,iyaga oo wata qaniimo ay kasoo furteen deegaanadii muslimiinta ee ay qabsadeen.
Ahmed gurey iyo ciidamo uu wato ayaa ku baxay waxana dagaal qaraar ku dhexmarey labadii ciidan webiga agamo meel udhaw,waxana la jebiyey ciidankii kiristaanka,qaniimadii laga furteyna waxa uu dib ugu celiyey dadkii muslimiinta ahaa ee lagasoo dhacay. Warkiisa ayaa guri walba galay iyo talaabadiisa geesinimo,waana meesha uu ka bilaabay hayaankii siyaasada iyo jihaadka.
Markan Ahmed gurey iyo ciidankiisu waxa ay weerar kusoo qaadeen suldaankii harar ee dadka cadaalad darada ku maamulayay. Nasiib daro ,Waalasoo jebiyey ciidankii ahmed gurey,dib ayayna usoo gurteen. wadahadal nabadeed iyo heshiis ayaa dhexmarey ahmed gurey iyo suldaanki harar Abubokor,iyaga oo ay ukala dabqaadeem culimada iyo odayaashii Harar. Heshiiskas ma noqon mid sii waara,markale waxa dagaal ka dhex qarxay ahmed gurey iyo suldaankii harar,waxana dhacay dagaalkii la magacbaxay ZAIKA. Markan waxa gacan sareeyey cidankii ahmed gurey,magaaladana gacantiisa ayay gashey.
markale ayaa heshiis nabadeed oo culimada iyo odayaashu kasoo shaqeeyeen la dhex dhigay. Waxana lagu heshiiyey in suldaanku kursigiisa haysto,ahmed gureyna noqdo kuxigeen mansabka Amiir.
Imaam Ahmed gurey iyo geesiyaashiisu waxa ay dagaalo la galeen ethiopiankii kiristanka ahaa ee weerarada ku hayay dhulka muslimiinta. Inta uu ku mashquulsanaa dagaaladan waxa shirqool magaleegay suldankii harar wuxuuna isku dayey in uu dilo imaam ahmed gurey,hase ahatee waala jebiyey suldaankii iyo ciidankiisii,meydkiisana waaka talaabsadey. Halkaas waxa kusoo afmeerantay taladii suldaanka Harar ee Abubokor maxamed bin maxfuus.
Kadib markii uu xaalada maamulka kusoo celiyey amni iyo kaladambeyn,Imaam ahmed gurey waxa uu qaatey manaasibtii ugu muhiimsanaa saldanada sida madaxa maamulka,hogaamiyaha sare ee diinta taliyaha ciidanka,waxana uu kursiga saldanada saarey Cumarudiin oo ahaa suldanka walalkii.
Intaas kadib imaamku waxa uu isku dubaridey ciidamadiisa waxana uu futuuxaad ka sameyey koofurta,bartamaha iyo waqooyiga Ethiopia qeybtii hore qarnigii 16aad. Waa halka uu ka qaatey naaneysta ah Aabihii furashooyinka iyo duulaan badane(ghazi). Ethiopiankuna waxa ay uyaqaneen gragn,hlka somalidu utaqaan ahmed gurey.
Mudo 15 sano ah ayuu maamulkiisu ka talinayey geeska afrika,cadawgiisuna cabsi ku seexanayeen oo aaney dabshidan habeen halka muslimiintuna ku naaloonayeen barwaaqo iyo guulo isdabajoog ah.
Dagaalada ugu muhiimsan ee uu galay waxa ka mid ah Shumbura kouri oo uu ku jebiyey boqorkii abasiinaya ee libnedengil,dagaalkan oo ka dhacay meel udhaxaysa Bishoftu iyo Dukam,waa mid ka mid ah dagaaladii ugu muhiimsanaa ee cadawgu ku le'deen.
Waxa uu maamulkiisa hoos keenay dhaman nidaamyadii yaryaraa ee muslimka ahaa ee ka jirey geeska afrika sida bale,dawaro,hadiya,sidama,gurage iyo weliba amxara iyo lasta.
Aad ayay ubadnaayeen dagaaladii uu galay imaamku halkana kumasoo koobi karno,qormooyin kale ayan kusoo qaadan doonaa insha Allah.
Caruurtiisii.
Xaaskiisii bati del wambera waxa ay udhashey Maxamed, Nasrudiin iyo Ahmednajashi. Waa inta lagu xusey qoraalo afcarbed ah iyo kuwa ethiopia ahba.
Sababtii geeridiisa.
Imaamka Allaha unaxaristee waxa uu ku dhintey falaadh uu kusoo ganay shiishyahan ka mid ah burtaqiiskii usoo gurmadey ethiopianka kiristanka ahaa.
Ugu dambeyn
Aqoonyahan badan ayaa sheega in Ahmed gurey somali ahaa hase ahatee ma jirto cadeymo taariikheed oo ay cuskadeen. Laba arimood darteed ayay ugu shegeen in uu somali ahaa;
1. Madama oo Ahmed gurey walaashii uu qabay Garadka besha somaliyed ee Geri isla markaana ay lahaayeen xidhiidh aad uqoto dheer.
2. In ciidamada ugu badan ee Ahmed gurey ay ahayeen qoomiyada soomalida oo uu qaa'id u ahaa Garad Mataan b. Cusman.
Cidkasta oo xiligaa nooleyd waxa agtooda ku weynaa jihadka sidaas darteed waxa uu Ahmed gurey u ahaa dhamantood Geesigooda.
Tixraac: buuga history of Harar and the Hararis.

0 Comments