Dhacdooyinka taariikheed ee Jamhuuriyada Djibouti,lagasoo bilaabo duulaankii Farasiiska ee Djibouti ilaa 2008.
Waxan halkan kusoo gudbin doonaa maqaal kooban oo ka hadlaya Dhacdooyinka Sooyaalka Jamhuuriyada,iyo duulaankii Farasiiska (Anagu Guumeysi odhan maynee).
Guumeysi waxa la yidhaahdaa markii aad raali ku noqoto dulmi shisheeye ama uu kaa itaal roonaado ee aad far dhawaajin weydo. Maadama oo ay jireen dad dagaal kala horyimidey iyo halgan hubeysan oo la dagaalamayey farasiiska sida jabhadii xoreynta xeebaha soomaliyeed (FLCS) ,Waxan odhan karnaa reer Djibouti way halgameen intii taagtooda ahayd,oo marna isma dhiibin,lamana odhan karo waala guumeystay oo waala gumeeyey! Sidaas darteed, Waxaan ku tilmaami karnaa duulaankii farasiiska ee dhulka Djibouti iyo iska caabintii shacabka.
Dadka reer Djibouti waxa ay uqaybsameen dhawr qaybood ;
Qeyb dagaal kala hortagta gaalada farasiiska oo waran ka tebisa itaal meel uu dhigeyba,waxana hormuud u ahaa Faarax Xaad(oo maanta aan lagu dhigan Manhajka Taariikhda Djibouti).
Qeyb la shaqeysa oo waxka barata. Kuwas oo ka shaqeyn jirey xafiisyadiisa,dekeda iyo maraakiibta farasiiska ama nidaamkii farasiiska ka hoos shaqeysa oo ganacsato ahaa dantooda ilaashanayey.
Qeyb unoqota basaasiin oo carabta tirada yar,qaar somali ah iyo cafarta iskugu jirey. Waana qolada ragaadiyey halganka Djibouti.
Waakii Jilaal Buraleh laahaa ;"
"Gube* cune basaasoo, wixii galaya sheegaaya",
"ninkii gaalka taabacay waxan madaxa gooyaaba". (Gube waa laaluush).
1862 - Farasiiska ayaa Dekeda Ubukh ka iibsadey Suldaankii cafarta Obokh ee xiligaa Ra'ayta Diini Ahmed waxana uu ka siistey lacag 55kun oo faran udhiganta, si ay u isticmalaan maraakiibtiisu,taas oo ufududeysay in uu joogitaan ku yeesho xeebaha Geeska Afrika. Waana talaabadii koowaad ee horseed unoqotey 81 sano oo dil,xabsi iyo barakicin ah.
Ubukh Waxa uu ka aasaasey dhul uu haysto oo uu ula baxay( Obokh and dependencies ama Obokh and Tadjoura protectorate) Obokh iyo dhulka hoos yimaada farasiiska ama Ubukh iyo maxmiyada Tadjoura.
1881 - ganacsade/sahamiye farasiis ah oo lagu magacaabo Pierre Arnoux ayaa ka sameeyey Obokh station ay dhuxusha ka qaataan maraakiibta ku shaqeeya Uumiga ee ka gudbaya gacanka,taas oo uu farasiisku kaga maarmey in uu dhuxusha ka doonto Cadan oo uu ingiriisku haystay. Xurgufna kala dhaxaysay.
1887- Weerarkii Somalida ee Ciidankii bada Farasiiska. Markii uu Farasiisku isku dayey in uu isku fidiyo xeebta koofureed ee Dhulka Djibouti, dagaalyahano somali ah ayaa weerarey markab Farasiis ah oo la odhan jirey 'le pingouin' kaas oo marayay Khoor cambaado, waxana ay halkaas ku dileen askar iyo badmaaxyo farasiis ah. dhacdadan waa mid lagu diwaangeliyey taariikhda, waxana ay ku sheegeen ' Xasuuqii badmaaxyada farasiiska ay ugeysteen budh-cad badeed soomali ah' ( massacre of crew of french ship le bingouin by somali pirates at Ambado). Waxan filayaa waa markii ugu horeysay ee Dunidu maqasho magaca 'budh-cad badeed soomaliyeed'(1887). Dagaalyahanadan waxa hogaaminayey Cabdi Samatar oo ciise ahaa.
1888 - Farasiisku waxa uu isku fidiyey gobolka, ilaa xeebaha koofuureed Djibouti. Awal waxa uu ku koobnaa waqooyiga Djibouti (Obokh & tadjoura). Soo galitaanka farasiiska ee Djibouti gaar ahaan qeybta koofureed ee soomalidu deganeyd, waxa uu kala kulmey weeraro uga imanayey dadkii dhulka deganaa. Sida dagaalyahanadii Faarax Xaad , cabdi samatar, Faarax Jeex iyo rag kale oo laf dhuun gashey ku noqdey ciidamada farasiiska. Halka ,markii uu kasoo degay Obokh ama waqooyiga Djibouti lagusoo dhaweeyey gacmo furan xataa laga iibiyey dekeda Obokh si maraakiibtiisu uadeegsadaan.
1896 - Magaalada Djibouti ayaa caasimad unoqotey dhulka farasiisku qabsadey ee Geeska Afrika,oo loo yaqaaney xeebta farasiiska ee Soomalida (Cote Francaise des Somalis- French somaliland).
Isla xiligaa 1896 farasiisku waxa uu heshiis la galay cuqaashii deegaanka ,isaga oo kula heshiiyey in uu dhulkan ka difaacayo xoogaga kale ee reer galbeedka ,isla markaana isticmaalayo dekeda Djibouti.
Jaamac Muuse Miicaad isaga oo tix ku cabiraya sida farasiisku ugu khiyaamay heshiiska ,waxa ay moodayeen iyo sida uu ugu noqdey mas qoorta la gashadey waakii lahaa;
• xeeliga nagaadheed ,anagoo Xamar ku maaleynaa.
• Guumeysigii xadhkaha dheerlahaa,wanasoo xulaye.
• markii xaajo lagu gooyey,wuxuu yidhi xumaan uma socdee xaakim ban ahaye.
• kaluunkaan yar xaaxaabi iyo xeelad nagu maalye.
1897 - Ethiopia ayaa qaadatey qayb ka mid ah dhulka Djibouti kadib markii ay heshiis la gashay farasiiska,dhulkan waa ilaa dire dhaba sida an xog ku hayno.
1902 - Waxa la dhameystirey Wadada tareenka ee isku xidha Djibouti iyo dire dhaba ,taas oo Djibouti ka dhigtey marso mashaquul badan isla markaana soo jiidatey ganacsato badan oo saylac waxka soo dejin jirey kana dhoofin jirey. Waxa la odhan karaa waa hijradii kowaad ee saylac laga haajiro. Sababtoo ah waxa yaraadey/xidhmey jidkii ganacsiga ee isku xidhi jirey Saylac iyo Harar ilaa Adis ababa. Jidka Tareenka waxa Adis ababa laga gaadhsiiyey 1917.
1933 - waxa la aasaasey shirkada Korontada ee Djibouti.
1934 - diyaaradaha dagaalka ee talyaaniga ayaa duqeeyey Djibouti. Farasiiska ayaa isaguna duqeyn ka geystay dawanle oo talyaanigu haystay.
1935 - heshiis ayaa dhexmarey Farasiiska iyo talyaaniga qeyb ka mid ah dhulka Djibouti(qaybta waqooyi ee cafartu degto) ayaa lagu darey Eritereya oo xiligaas talyaani haystay.
1942 - ilaa 1943 Ingiriiska ayaa farasiiska ka qabsadey Djibouti kadib markii farasiisku ku jabay dagaalkii uu kula jirey jarmalka.
1944 - ciidamo uu farasiisku ka qortey gudaha Djibouti ayaa ka qaybqaatey xoreyntii farasiiska ee 1944(battalion somalie).
1945 - farasiiska iyo Ethiopia ayaa dib ujaangooyey xuduudka Djibouti ay la wadaagto Ethiopia iyadoo lagu dhisayo heshiiskii 1897.
1947 - maxamuud Xarbi Faarax (AUN) ayaa aasaasey urur siyaasadeed udhaqdhaqaaqa xoriyada madaxbanaanida Djibouti oo lagu magacaabo xisbiga midawga dimoqoraadiga ( democratic Union party). Xarbi waxa uu saxiibo la ahaa taageerona ka heli jirey imaamyadii yemen iyo boqortooyada sacuudiga. Ninka keliya ee ay siyaasada ku loolami jireen, kalana aragti duwanaayeen waxa uu ahaa Xassan Guuleed Abtidoon. Kaas oo u ololaynayay in ajaanibta laga saaro Djibouti ,dhanka kale xarbi waxa uu soo dhaweystay ganacsatadii yemenida,wana difaacayey naftooda iyo maalkoodaba.
July 1957 - waxa la dhisey maamul hoosaadkii uhoreeyey ee dadka wadanku yeeshaan kasoo oo hoostagayay farasiiska ,waxana madaxweyne ku xigeen ka noqdey Maxamuud Xarbi Faarax, golaha ismaamulka oo ka koobnaa sideed gudiga fulinta ah waxa gudooomiye uahaa nin Farasiiska ka socda.
1958 - waxa dadka reer Djibouti laga qaadey aftidii uhoreysay waxana ay ukala codeeyeen "in Djibouti madaxbanaani qaadato iyo in ay ka mid noqdaan bulshada farasiiska ( overseas french territories) , cadaadis la saaray bulshada soomalida oo u halgamaysay in ay noqdaan dal madaxbanaan iyo Cafarta oo uarkeysay in la mukhuuniyo (madama ay tiro yaraayeeen) hadii farasiisku meesha ka baxo ayaa natiijo been abuur ah lagu shaaciyey in Djibouti ka mid tahay bulshada Farasiiska ee dibada ama hadaan si kale udhigno dhul farasiisku sii haysto.[waxa lagu been abuurtey doonistii shacabka waxana la hoos geeyey meel ay raali ka ahayn]. Waxana la siiyey hal kuxigeen iyo Xildhibaan(senator) golaha barlamaanka farasiiska iyo hal gudomiye oo ka mid ah midawga golaha farasiiska [french Union assembly].
1958 - waxa la qabtey doorashadii golaha ismaamulka waxana gudoomiyaha gudiga fulinta loo doortey Cali caarif burhaan oo lagu dhaliilayey in uu kasoo jeedo turkiga[ asal uuna ku lahayn cafarta].
1960 - Maxamuud Xarbi Faarax ayaa Aasaasey Ururkii Xoreynta xeebaha soomaliyeed (front for the liberation of somali Coast), Ururkan oo ka koobnaa garab siyaasi ah oo Xamar iyo Qaahira xarumo ku lahaa ,iyo garab hubeysan oo hawlgalo ciidan fulin jirey, sida Afduubkii safiirkii farasiiska Soomaliya,afduubkii baskii caruurta saraakiishii farasiiska, qaraxyo iyo hawlgalo qorsheÿsan oo kalena ka fuliyey gudaha. Ciidankii tababarnaa ee jabhadan ayaa markii Dalku xoroobey noqdey ciidankii ugu horeeyey ee qaran ee Djibouti yeeyeelat0
August 1966 - waxa yimidey Djibouti madaxweynihii farasiiska ee Charles de gaulle's, laba cisho oo ku sugnaa waxa uu la kulmay banaanbaxyo xoogan iyo rabshado kaga yimidey bulshada soomalida oo dalbanaysay madaxbanaani.
Sept 1966 - Djibouti waxa loosoo magacaabey gudoomiye cusub oo lagu magacaabo Louis Saget,waxana uu fagaare ka sheegay go'aanka farasiiska ee ah in afti kale laga qaadayo shacabka.
1967 - intii udhaxaysay bishii sideedaad 1967 ilaa bishii sadexaad 1967, Djibouti waxa laga raafey tobonaan kun oo Somali ah,qaarna xabsiga ayaa loo taxaabay, sidoo kale sodomeeyo dad ku dhaw ayaa la diley, si loo yareeyo tirada soomalida aftida dhiiban karta. Dhanka kale ,kumanaan bulshada cafarta ah ayaa lagasoo gurey Ethiopia si ay codka usiiyaan sii joogitaanka farasiiska ee Djibouti.
March 1967 - Djibouti waxa ka dhacdey wax lagu sheegay afti hase ahatee lasii garaneyey natiijadeeda. Waxa la shaaciyey natiijo kale oo been abuur ah oo sheegaysa in 60% shacabka reer Djibouti ucodeeyeen in ay farasiiska sii hoos joogaan. Bishii 7aad isla sanadkan waxa la badalay magacii hore ee ahaa xeebta soomalida ee farasiiska waxana loo badalay dhulka farasiiska ee Ciisaha iyo Cafarta.
Waxaas oo cadaadis ah kama horjoogsan bulshada Reer Djibouti in ay helaan Dal madaxbanaan. Siyaasad ahaan iyo jabhad ahaanba waa uhalgameen.
May 1977 - waxa loo codeeyey in Djibouti madaxbanaani hesho.
June 1977 - waxa si rasmi ah loogu dhawaaqay in Jamhuuriyada Djibouti tahay dal madaxbanan waxan la badalay magacii hore ee ahaa Dhulka farasiiska ee cafarta iyo ciisaha waxana loo bixiyey Jamhuuriyada Djibouti. Alxaaji Xassan Guuleed Abtidoon ayaa noqdey madaxweynihii uhoreeyey ee Jamhuriyadda, Axmed Diini Axmed oo kasoo jeeday bulshada cafarta ayaa raiisul wasaare unoqdey inkasta oo uu mudo yar kadib xilka baneeyay.
1991 - waxa dalka ka qarxey dagaal awood qaybsi ku saleysan oo udhexeeya Ciisaha iyo Cafarta,kaas oo kumanaan ku dhinteen. Axmed Diini Axmed oo xilka Raiisul wasaraha iska casiley ayaa jabhad ka aasaasey waqooyiga dalka,taas oo markii dambe la jebiyey,laguna soo afmeerey heshiis nabadeed.
1992 - waxa dib ueegis lagu sameeyey dastuurka Jamhuuriyada. Isla sanadkan waxa la sameeyey nidaamka xisbiyada badan(multiparty system) ,waxana dastuurku dhigayey in dalku yeelan karo ilaa Afar xisbi siyaasadeed oo dhisnaan kara 10 sano.
Sept 1992 - sadex xisbi oo keliya ayaa buuxiyey shuruudaha xisbinimo; RPP oo xassan guuleed hogaaminayo,PRD oo Maxamed Jaamac ceelaabe Hogaaminayo [imikana loo yaqaan MRD oo Dr Daahir Ahmed Faarax hogaamiyo] iyo PND oo Aden Rooble Cawaale gudoomiye uyahay (Dhamaantood Allaha unaxaristo). Waxa xusid mudan1981 ilaa 1992 dalku waxa uu lahaa hal xisbi oo keli ah waana RPP.
1997 - waxa la qabtey doorashadii Barlamaanka ee uhoreysay,Xisbiga RPP ayaa ku guuleystay 54 kursi oo ka mid ah 65 kursi ee golaha barlamaanka Djibouti, Halka xisbiga FRUD uu helay 11 kursi oo keli ah.
1999 - madaxweynihii Djibouti Allaha unaxaristee Xassan Guuleed Abtidoon ayaa shaaciyey in uu mar dambe isku sharixi doonin xilka madaxweynenimo. Isla sanadka waxyaabihii umuhiimsanaa ee dhacay waxa ka mid ah ahaa in Diyaarad helicopter ah oo ay leeyihin militaryga Djibouti ku dhacdey deegaanka cadeylu ee gobolka Tadjoura,waxana ku dhintey 8 Askari. Maqaalo arintaas la xidhiidha oo ay qoreen talyihii hore ee ciidmada qalabka sida ee Djibouti General Cali maydal oo tafaftire sare ka ahaa wargeys bile ah oo la odhan jirey Le Temps iyo aqoonyahan Dr Dahir Axmed faarax oo ahaa madaxa tafaftirka wargeyska Le Renouveau ayaa lagu eedeeyey in ay jebiyeen xeerarka saxaafada isla markaana qoreen maqaalo niyadjebinaya ciidamada. Waxana lagu xukumey 6 bilood iyo 1 sano iyo min hal milyan oo ganaaax ah sida magacoodu ukala horeeyo.
April 1999 - Doorashada madaxweynaha badali doona Xassan Guuleed ayaa la qabtay, Ismaaciil cumar geelle ayaa ku guuleystay xilka madaxweynenimo isaga oo helay 74% codadkii la dhiibtey halka Moussa Ahmed Idris (AUN) oo la tartamayey helay 26%. Sidaana waxa dalka madaxweyne kaga noqdey Ismaaciil Cumar Geelle,oo noqdey madaxweynihii labaad ee Jamhuriyadda. Horey waxa uu usoo noqdey talyihii madaxtooyada,madaxii sirdoonka iyo la taliyaha madaxweynaha mudo 20 sano ah.
Feb 2000 - waxa heshiis rasmi ah dhexmarey jabhadii cafarta ee FRUD iyo Xukuumada Djibouti waxana sidaa lagusoo afmeerey isfahan waagii udhexeeyey.
2006 - waxa geeriyoodey Madaxweynihii hore ee Djibouti Allaha unaxaristo Xassan Guuleed Abtidoon.
2008 - waxa uu dagaal dhexmarey Jamhuuriyada Djibouti iyo Eritereya. Dagaalkas oo salka ku hayey khilaf xuduudeed soo taagnaa ilaa 1996,dagaalkaas waxa ku dhintey 45 Askari oo Djiboutiyan ah iyo 100 Askari oo Eritereyan ah sida wakaalada Reuters qortey.
Intaas waa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee taariikhda Djibouti inta la diwaangeliyey, dhamaan xogtan waxaan kasoo xiganey ilo lagu kalsoonyahay oo leh warbaahin dawladeed,kayd taarikheed,iyo warbaahino caalami ahba. Wixii aan ka tagay ee aad uaragto dhacdo taariikheed muhiim ah oo khuseysa Jamhuuriyada Djibouti wad nagu kordhin kabtaan.
Waad mahadsantihiin.
W/Q : Osman Assod


.jpeg)
0 Comments