Ganacsiyada ugu faa'iidada badan , inta badana ay kasoo baxaan bilyaneerada dunida.

Ganacsiyada ugu faa'iidada badan , inta badana ay kasoo baxaan bilyaneerada dunida.Sida aan wada ognahay markii aad rabtid in aad ganacsi bilawdid, suaasha ugu horeysa ee aad isweydiisaa waa " noocan ganacsiga ah tolow suuq fiican ma leeyahay oo dhaqaale Malaga helayaa?". 

Hadaba,waxan maqaalkan kusoo gudbin doonaa meelaha ugu badan ama noocyada ganacsi ee inta badan ay kasoo baxaan maalqabeenada caalamka.

Warbixin uu diyaariyey degelka businessday ayaa lagu qorey tobanka ganacsi ee soo saarey bilyaneerada ugu badan sanadkii 2024.


1.  Baananka iyo maalgashiga (finance&investment).

Maaliyadda & Maalgelinta - 

Qaybta maaliyadda iyo maalgashiga ayaa weli ah warshadaha ugu weyn ee soo saarta bilyaneerada. Waxana ka shaqeeya arimaha la xidhiidha  maaliyada iyo maalgashiga 427 bilyaneer sida lagu sheegay warbixintan uu diyaariyey degelka businessday ee ka faalooda dhaqalaha. 

Kooxdan waxaa ku jira shaqsiyaad hantidooda kasbaday iyagoo maareynaya maal-gashi, maamulida hay'adaha maaliyadda, iyo ka faa'iidaysiga suuqyada raasumaalka.  Warren Buffett, gudoomiyaha iyo maamulaha guud ee Berkshire Hathaway, ayaa ugu sarreeya qaybtan oo haysta hanti dhan $ 147.6 bilyan.  Guusha Buffett waxay ka timid khibradiisa ku aaddan maalgashiga qiimaha leh iyo hoggaamintiisa muddada dheer ee adduunka maaliyadeed. 


2. Warshadaha(manufacturing)

 Warshadeynta  ayaa iyaduna   ah isha ugu weyn ee hantida bilyaneerada, iyadoo 328 qof ay ku jiraan ganacsiga la xidhiidha warshadeynta.  Qaar badan oo ka mid ah bilyaneeradan ayaa hantidooda ka helay wax soo saarka warshadaha, mashiinada, iyo wax soo saarka alaabooyinka la isticmaalo. Reinhold Wuerth, gudoomiyaha  Wuerth group  ayaa qaybtan ku hogaaminaya hanti dhan $35.9 bilyan. 


3. Tiknoolajiyada (Technology).

 Ganacsiga tignoolajiyada ayaa hoy u ah 342 bilyaneer, sida aan ka warqabno casrigan la joogo muhiimada ay u leedahay technologiyadu dhaqaalaha casriga ah lama soo koobi karo.  Waa mid ka mid ah waaxaha ugu kobaca badan, iyadoo bilyaneerrada hantidooda ka kasbadey Technologygu ay ka shaqeeyaan horumarinta softwareska, adeegyada internetka, iyo qalabka tignoolajiyada.  Larry Ellison, oo ah aasaasaha Oracle, waa shakhsiga ugu qanisan warshadahan, oo lagu qiimeeyo $ 231.3 bilyan. 


4.Cuntada & Cabitaanka (food and beverages).

 Ka ganacsiga  cuntada iyo cabbitaanka ayaa isna ah il wayn oo laga helo dhaqaale xoogan.   210 bilyaneer  ayaa lagu sheegay dadka ka taajirey ka ganacsiga cuntada iyo cabitaanka.  Zhong Shanshan, oo ah guddoomiyaha Nongfu Spring, waa qofka ugu taajirsan warshadahan isagoo leh hanti dhan $51.2 bilyan.  Warshadihiisu waxa ay caan ku yihiin soo saarista biyaha caageysan ee la cabo. 


5. Lebiska iyo waxyaabaha lagu xaragoodo.(fashion and retail).

Ganacsiga Dharka,tafaariiqda iyo waxyaabaha lagu xaragoodo ayaa ka mid ah ganacsiyada ugu muhiimsan ee laga sameeyo dhaqaale badan. 285 bilyaneer ayaa hantidooda ka kasbadey iibinta dharka iyo  waxyaabaha lagu xaragoodo sida boorsooyinka haweenka.  Bernard Arnault, gudoomiyaha iyo agaasimaha guud ee LVMH, waa shaqsiga ugu qanisan qaybtan, waxana lagu qiimeeyaa hantidiisa $ 157.6 bilyan.  LVMH waa xarun caalami ah oo iibisa alaabo qaali ah oo la xidhiidha xaragada haweenka.  


6.Daryeelka caafimaadka(healthcare)

Shirkadaha ka shaqeeya Daryeelka caafimaadka ayaa iyaguna weli ah warshad muhiim u ah bilyaneerrada, iyadoo sanadkii 2024 soo saartey 197 bilyaneer. Maalqabeenadan ayaa hantidooda ka helay iibinta dawooyinka, aaladaha caafimaadka, iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.  Dilip Shanghvi, oo ah aasaasaha warshadaha dawooyinka ee Sun, ayaa ah qofka ugu taajirsan qaybtan, isaga oo haysta hanti dhan $28.7 bilyan.  Shirkadiisu waa shirkadda ugu weyn ee dawooyinka ee Hindiya waxayna leedahay joogitaan weyn oo caalami ah, gaar ahaan suuqa kala iibsiga.


7. Hantida maguurtada ah (real estate)

 Hantida ma-guurtada ah waa hanti-dhaliye kale oo muhiim ah,wana meelaha  ugu badan ee soosaara maalqabeenada dunida. 190 bilyaneer ayaa waxay hantidooda ka kasbadeen horumarinta hantida dhulka, maalgashiga, iyo maamulka guriyeynta.  Lee Shau Kee, aasaasaha Sun Hung Kai Properties iyo Henderson Land Development, waa qofka ugu qanisan warshadahan, hantidiisana waxa lagu qiimeeyey  $ 29.1 bilyan.  Shirkadihiisu waxa ay ka mid yihiin shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya horumarinta hantida ma guurtada ee Hong Kong.


8. Warbaahinta & Madadaalada( media and entertainment).

Warbaahinta iyo  madadaalada waxa ku jira 104 bilyaneer, kuwaas oo hantidooda ka helay  soo saarista filimada, daabacaadda, baahinta, iyo warbaahinta dhijitaalka ah.  David Thomson iyo qoyskiisa, kuwaas oo gacanta ku haya boqortooyo warbaahineed oo uu aasaasay awoowgiis Roy Thomson, ayaa ah shakhsiyaadka ugu qanisan qaybtan, oo haysta  $ 69 bilyan. Boqortooyadooda  ganacsi waxa ka mid ah haysashada warbaahino waaweyn ee telefishanka, daabacaadaha, iyo aaladaha dhijitaalka ah.


9. Tamarta (Energy).

Sektarka tamarta, oo ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah, saliidda, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, ayaa weli ah mashiin hantiyeed oo awood leh soona saara bilyaneero badan,sida lagu tibaaxay warbixintan 90 bilyaneer ayaa kasabkooda ka helay qeybtan. Leonid Mikhelson, aasaasaha Novatek, ayaa ah qofka ugu taajirsan qaybtan, isaga oo haysta hanti lagu qiyaasey $27.4 bilyan.  Shirkaddiisu waa hormuudka soo saarista gaaska dabiiciga ah(natural gas) ee dalka. Ruushka, sidookale ku lug lahaanshaha qaybta tamarta ayaa ka dhigtay mid muhiim u ah suuqyada tamarta adduunka.


Gununaanad

Iskusoo wada duuboo inkasta oo qofku waxa uu ka ganacsanayo ay saameyn ku leedahy mustaqbalkiisa dhaqaale hadana waxa jira qodobo saameyn ku yeelan kara sida fursadaha jira,tartanka suuqa iyo maalgelinta la sameyo. Waxa dhici karta in shirkadaha an kasoo sheekeynay qaarkod yihiin kuwo la kala dhaxlay hase ahatee hadana qeybta ay ka shaqeeyan ayaa usaamaxdey in suuqa ka bixi waayaan oo ay faaiidaan balaayiin dollar. 


Waad ku mahdsanthay soo booqashadada saylac daily post. 


Post a Comment

0 Comments