Taariikhda Ciil-tirihii Baakistan.

Aabihii Barnaamijka Nukliyeerka Baakistaan. "Maskaxdii ka dambaysay in Pakistan sameysato hubka Nukliyeerka".




Maqaalkeena maanta waxa aan kusoo qaadaneynaa seynisyahankii dadkiisa udiidey in ay ciil iyo cabsi ku noolaadaan,isla markaana ufarasameeyey Hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nukliyeerka.

Waxa aan ka hadleyno waa Seynisyahankii caanka ahaa ee Cabdulqadiir Khan. Seynisyahan usoo baxay dalkiisa/dadkiisa xili baahi weyn loo qabay,halyey buuxiyey kaalin aan qeyrkii gali karin. Hormuudkii iyo aasaasihii barnaamijka Nukliyeerka ee Jamhuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan.


Dhalashadisii iyo Hayaankii waxbarasho. 

Cabdulqaadir Khan waxa uu 1936kii  ku dhashey Phobal,hindiya,waa intii aaney kala go'in Hindiya iyo pakistan.  1947 markii Hindiya ay xoriyada qaadatey, muslimiintii deganaa bariga iyo galbeedka dalkii la isku odhan jirey Hindiya ayaa udhaqaaqay inay sameystaan dal muslimiinta ugaar ah, waxa uu ku kacaamey hawada madaxbanaani raadinta dadkiisa, xiligaas Abdulqadiir Khan isaga oo da'yar ayuu qoyskiisa ulasoo hijroodey  galbeedka wadanka 1952kii.

Waxa uu Waxbarashada aasaasiga,mida dhexe ilaa heer jamacadeed ka galay wadanka Baakistaan, isaga oo jaamacada Karachi ka qaatey digriigisa koowaad ee injineeriyada biraha(Metallurgy).  Mudo kadib dalka dibadiisa ayuu udhoofey si uu waxbarashadiisa usii wato isagoo shahaadada labaad ee masterta ka qaatey jaamacad ku taala Netherland 1967kii,isla cilmiga Injineeriyada (Metallurgy). 1972, shahaadada PhD ayuu ka qaatey jaamacada Catholic University of leuven ee dalka Belgium, isla cilmiga injineeriyada (Metallurgy).

Khibradiisii hawlaha Nukliyeerka.

1972 waxa uu shaqo ka helay Urenco-shirkad ka shaqaysa bacriminta maadada yuraanim oo laga sameeyo nuclear ka iyo tiknoolajiyada centrifugeska. URENCO waxa ay ahyd shirkad ay ku mideysnaayeen shirkado kasoo jeeda dalalka ingiriiska ,Jarmalka, iyo Netherlands. Waana meesha uu ka helay khibradiisa sameynta centrifugeska lagu bacrimiyo yuraaniyamta iyo tiknoolajiyada la xidhiidha.  Si weyn ayuu udhexgaley shaqada shirkadan ,waxana uu ka helay khibrad balaadhan oo dhanka sameynta centrifugeska ah iyo technologyga ay ku shaqeeyaan. Waqtiyo si xigxigey ayuu booqdey shirkada Alemco oo Netherland lahyd. Sidoo kale waxa uu u xilsaarnaa In uu af Dutch uturjumo macluumaadka cilmiyeed ee la xidhiidha nuclearka kuwaas oo ku qornaa af jarmal,taas oo u sahashey in uu xog badan helo.

Maxaa ku dhaliyey in uu dalkiisa u sameeyo hubka nuclearka.

  Tan iyo markii ay gooni ugo'dey Pakistan waxa xurguf weyn oo marar badana colaado lagu riiqmay sababtay ay dhexmartey Dalka Hindiya iyo pakistan oo isku haystay dhul ay deganyihiin shucuub muslimiin ah. Dalka pakistan ee uu kasoo jeeday Abdulqadiir Khan iyo hindiya waxa ka dhexeeyey cadaawad xoogan oo camiiq ah. Hindiyana waxa ay markasta ku hawlaneyd sidii ay cagaheeda uhoos keeni lahyd pakistan.

Jabkii dalkiisa kasoo gaadhey dagaalkii 1971 ay Hindiya la gashey  iyo dal jacayl ayaa horseed u ahaa in uu ku dhasho fikirka ah in dalkiisu yeesho hub uu qeyrkii ku jilba joojiyo.

1974 markii ay Hindiya tijaabisey Bamkii ugu horeeyey ee Nukliyeer ah, ayuu Abdulqadiir Khan lasoo xidhiidhey Raiisul wasaarihii baakistaan ee xiligaa Zulfikar Ali bhutto,waxana uu kala hadley in uu rabo in dalkiisa uu ka caawiyo sidii u usameysan lahaa Hubka Nukliyeerka.

Khan sanad kale ayuu sii joogey Netherland si uu ururiyo xog badan oo la xidhiidha Centrifugeska iyo technologyga nuclearka,intaanu dalkiisa kusoo guryo noqon. 1975,isaga oo wata nashqada  centrifugeka gaaska. Sidoo kale waxa uu soo liis gareystey supplierska lagasoo iibsado qalabka centrifugeska laga sameyo. Safarkiisa uu dalka ugu soo laabtey waxa ku wehelinayey xaaskiisa iyo laba hablood oo uu dhaley.

Inkasta oo Pakistan horeyba ka bilawday in ay sameysato nuclearka,hadana nidaamka ay raacaysay ayaa ahaa plutonium. Seynisyahan Khan waxa uu Raiisul Wasaaraha kula taliyey in la raaco Nidaamka yuraaniyamta.(isaguna uu aqoon buuxda uleeyahay).
Raiisul wasaaruhu aad buu soo dhaweeyey wana ku taageerey  fikirkiisa.

Ugu horeyntiiba, waxa uu ka hawlgaley hay'ada Tamarta Nukliyeerka ee pakistan oo horey udhisneyd madaxna uu ka ahaa Muniir Ahmed Khan.  Hase ahatee muran soo kala dhexgaley  isaga iyo Agaasimihii hay'ada  waxa uu Aasaasey hay'ad uu isagu madax ka yahay oo markii dambe loo bixiyey Khan Research Laboratory,horeyna loogu yaqaaney Engineering Research laboratory(ERL). Oo ujeedkeedu ahayd horumarinta bacriminta Yuraaniyamta.  Xarunta shaybaadhkani waxa ay ku taalay Kahuta oo 50km koofurbari ka xigta Islamabad. Wana mesha uu ku sameeyey centrifugeska lagu bacrimiyo yuraaniyamta.

Mashruucan waxa loo bixiyey fure sireed ahaa "project-706". 1982 Markii ugu horeysay ayuu ku guuleystay shaybaadhkani in uu soo saaro yuraaniyam Aad loo bacrimiyey( Highly Enriched Uranium).
Markii ay soo if baxdey guusha uu ka gaadhey barnaamijka Nukliyeerka ee Baakistaan, waxa dacaayad faafiyey reer galbeedka iyaga oo ku eedeynaya in uu xagaldaacinayo in Baakistaan sameysato Nuclear. Hase ahatee warkaas dheg jalaq uma siin waxana uu sii watey, shaybaadhkiisa iyo in uu centrifugeska uu soo saaro u iibgeeyo dawlado badan oo caalamka ah oo ay ka mid tahay Iiran,Libya,kuuriyada waqooyi iyo dalal kale.

Project -706 oo guuleystay.

1998 Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Baakistan waxa ay kaga dayaamisey Bamkii u horeeyey ee nuclear ah ee uu usameeyo Abdulqadiir Khan.
Talaabadaas oo waji gabax iyo cabsi galisey Cadawga dawlada pakistan khaasatan Hindiya.  Sidoo kale shaybaadhkiisu waxa uu soo saarey  gantaalada balaastikada ridada dhexe oo lagu beegsan karo masaafo 1500 km ah.

Reer galbeedka oo mareykanku u horeeyo ayaa ku eedeeyey in uu technologyga nuclearka wax ka mid ah la wadaagey dalal kale oo ay ka mid yihin Iiran,Iraq iyo kuuriyada waqooyi. 2004tiina waxa loo xidhey eedo la xidhiidha arimahaas.

Abaalmarinihii iyo biladihii uu ku guuleystay.

Abdulqadiir Khan waa geesi baal dahab ah kaga suntan taariikhda Baakistaan. Waxana uu dalkiisa ka caawiyey in uu horumar ka sameeyo seyniska, Technologyga iyo amniga qaranka.

Seynisyahan Abdulqadiir Khan waxa uu ku guuleystay bilado tiro beel ah; 45 biladood oo dahab ah,3 taaj dahab ah, bilada ugu sareysa ee qof shacab ahi qaato dalka pakistan ee Nishan Al imtiyaaz. Allaha unaxaristee Seynisyahan Abdulqadiir Khan 2021 ayuu geeriyoodey isaga oo 85sano jir ah.  "Geesiga dhulkiisaa guusha uhorseedaa,geerida dishaay geedkaa ha bao". 


W/Turjumey : Koshin Ibrahim
Tixraac : Nuclear museum, britannica.


Post a Comment

1 Comments