Sida Saxda ah ee loo xaraysto DV lottery-ga Mareykanka.

Waxkasta oo aad ubaahantahay oo ku saabsan qaabka loo xaraysto/codsado DV lottery-ga.  

Waa maxay Dv lottery?

DV lottery oo looga jeedo Fiisaha kaladuwananshaha(Diversity Visa) waa barnaamij bakhtiyaa nasiib ah oo lagu bixiyo tiro green Cards cayiman ah[deganansho rasmi ah] oo dalka Mareykanka ah.

Barnaaminkan waxa lagu bixiyaa 55kun oo Fiise ah sanadkasta. Dalkastana waxa uu ku leeyahay qoondo 7% ah.


Fursadan waxa ay ufurantahay  dalkasta oo muwaadiniintiisa waxka yar 50kun oo qof soo galeen mareykanka 5tii sano ee lasoo dhaafey. Tusaale; Hindiya,Bangaladesh iyo Neyjeeriya looma ogolayn sanadkii tagay. Sababtoo ah inka badan 50kun oo muwaadiniinta dalalkan ah ayaa mareykanka soo galay 5tii sano ee udambeysay.


Inkasta oo sanadkasta waxka badal lagu sameeyo shuruudaha Dv lottery-ga,hadana waxa jira shuruudo guud oo inta badan iskaga mid yihiin sanadkasta.

Goorta la codsan karo.

Waxa toos loosoo galiyaa website-ka rasmiga ah ee waaxda Arimaha dibada mareykanka.  Iska jir website-yo been abuur ah oo loo eekeysiyey midka laga xaraysanayo codsiga. Barnaamijkani waa bilaash,wax lacag ahna haba yaraatee cidi ku weydiin mayso.

sanadkasta waxa la furaa bisha 10aad( Oct) ilaa bisha 11aad( Nov) sida aan kasoo xiganey sanadihii ka horeeyey. Sidaas darteed sanadkan waxa la furi doonaa;
(DV-ga sanadkan waa DV-2027 waxana uu furmayaa 2 October 2025,ilaa 7 November 2025. )
 ha sugin in aad xeraysato usbuuca udambeeya, waayo waxa dhici karta in websiteku cuslaado maadama codsiyadu badanyihiin, sidaas darteed buuxbuuxi foomka marka ugu horeysa ee aad aragtaba.  Hana isku dayin in aad laba mar codsatid (Two entries) maxaa yeelay uu kaa gubanayaa codsigu(cancelled)

 Natiijada  waxa la shaacinayaa may 2026.  Hadii aad adigu buuxbuuxin kareysid foomka onlineka ah cidna ha uxilsaaarin inay kuu buuxbuuxiso,maxaa yeelay hadhaw markii lagu aqbalo waxa suaalo lagaa weydiin wixii aad ku qortey Foomka,hadii aad adigu xareysana waxa dhici karta in aad xasuusan waydo ama aad garanwaydaba ileen qofbaa kuu buuxbuuxiyee.

Markii aad dhameystirto foomka waa in aad sawir ka qaadataa ama daabacataa page uu ku qoranyahay numberku(confirmation number) iyo magacaagu.


Shuruudaha qofka laga rabo.

1. In uu kasoo jeedo dalalka loo ogolyahay barnaamijkan ,waxana uu ku ogaan karaa in uu dalkiisa ka eego liiska dalalka loo ogolyahay DV-2027(sanadka soosocda).
2. Qofku waa in uu haysto ugu yaraan shahaado dugsi sare ama khibrad shaqo oo 2 sano ah oo waafaqsan nidaamka shaqo ee Mareykanka. 

Macluumaadka looga baahanyahay qofka in uu galiyo foomka Online-ka ah:

1. Magacaaga oo sadexan weliba sida uu ugu qoranyahay passportka ama dhalashadaada. Hadii aad waqtigaa haysan passport,waa in marka passportka laguu sameynayo aad iska hubisaa in magacaga udhiganyahay qaabka aad ugu qortey foomka/shahadoyinkaga. Tusale hadii aad magaca foomka ku qortey yahay  "Osman" oo passportka ama shahaadooyinkana ku qoranyahay "cusmaan",way adkaaneysa in lagagu aqbalo. Sidaas darteed, dhamaan documents-kaaga magacu ha isku wada eekaado.

2. Lab/dhedig
3. Taariikhda dhalashada ; maalin,bisha,sanadka.
4. Magaalada aad ku dhalatay.
5. Dalka aad ku dhalatay.
6. Sawirka codsadaha; waa meesha inta badan aadka looga taxadaro. Sawirka kurka ah ee aad raacinaysid codsiga waa in uu ahaado mid US visa standard ah. Waxana kaa caawin kara photographer professional ah oo garanaya nooca uu noqonayo Sawirka lagu xereysto codsiga.
7. Address sax ah; address 1aad,address 2aad/magaalada ad degantahay.  Dalka/gobolka/magaalada.
8. Wadanka aad hada ku nooshahay.
9. Telefoon numberk(waa ikhtiyaar) sababtoo ah hadii aad selected noqoto iyo hadii aad weydaba cidi kulasoo hadli mayso. Markaa mobile numebarka in aad galisaa waa ikhtiyaarkaga.
10. Email address-waa muhiim in aad galiso email sax ah oo aad furihiisa haysid,sababtoo ah hadii aad kusoo baxdid barnaamijkan waxa lagusoo dirayaa email dhanka safaarada ah oo la xidhiidha interviewga iyo hawlaha kale ee kuu dhiman. Hase ahatee lagusoo diri maayo email kuu sheegaya in aad heshay DV iyo inad weyday toona.
11. Heerka waxbarasho ee ugu sareeya aad haysatid PhD,master,bachelor degree,ilaa iskuul sare.
12.inad guursatay ama single tahay.
13. Hadii aad reer leedahay ,tirada caruurtaada. (Foomka familyga iyo midka single waa kala duwanyihiin).

Qof passport soomali haysta ma codsan karaa DV lottery?

Haa waa codsan karaa.
Sanadihii hore ,soomaliya waa ay ku jirtey  liiska dalalka loo ogolyahay in muwaadiniintiisu codsan karaa barnaamijkan Dv lottery-ga, dadna waa ay ku tageen. hase ahatee intan uu xilka qabtay trump oo waxka badal lagu sameeyey dalku galka mareykanka, soomaliya waxa lagu daray liiska dalalka xayiraada la saarey.  In dalka fiisaha laga xayirey macnaheedu maaha in Liiska Dv lottery-ga laga saarey. 

sidaas darteed, waxa jirta rajo ah in qofku codsan karo fiisaha mareykanka ,markii uu helo Dv lottery-ga.  (Muhiimadu sanadkan DV-2027 ,Waa in aad soomaliya ka dhex baadhid liiska).

Sida lagu ogaanayo in uu kusoo baxay.

Sanadkasta marka ay gaadho bisha Shanaad (may) ayaa la shaaciyaa dadka helay iyo kuwa aan helinba. Ma jirto safaarad kusoo direysa telefoon ama Email oo kuu sheegaysa in aad heshay.

sidaas darteed, qaabka keliya ee aad ku ogaan kartid in lagu select-gareeyey iyo inkale waa in aad dib u booqatid websitekii aad awal hore ka buuxbuuxisey, adiga oo kasii tagaya meesha ay ku qorantahay "Entrant status check". waxa aad galinaysaa maclumadkaga gaarka ah(full name & date of birth) iyo confirmation numberkii aad haysatay.  Hadii aad heshay waxa kusoo baxaya " you have been Selected oo far bold ah". Hadii aan lagu doorana "you have not Been selected ".

Codsiyada waxa kala xulaya mashiin waana iska bakhtiyaa nasiib. Hadii aad halkan kusoo baxdid macnaheedu maaha in markaaba lagu siinayo fiisaha Mareykanka.

Hadii uu kusoo baxo,waxaad sameyn lahayd.

Markii aad aragto in lagu doortey(selected),ha boodboodin hana dabaaldegin,maxaa yeelay in aad halkan kusoo baxdey macnaheedu maaha in Visa mareykanka degdeg laguu siinayo ama green card-ka farta lagaa saarayo. Si degan udhameystir talaabooyinka kuu hadhay.

Talaabada  ku xigta waa in aad buuxbuuxisaa foomka Onlineka ee fiisaha Mareykanka ee loo yaqaan DS-260. Si loo mudeeyo interviewga.
Hadii la aqbalo codsigaagii Fiisaha D-260 , waxa aad fariin ka heli isla halkii hore ee websiteka "Entrant status check " ,Fariintaas oo laguugu sheegayo xiliga balanka Interview-ga aad ku qorantahay.

Intaas kadib,diyaarso dhamaan documents-kaaga muhiimka ah iskuguna diyaari interview-ga.
Hadii aad talaabadan mar ka gudubtid sidaa waxa aad ku helaysaa Green cardka. Wixii xigaana waa safar ilaa Mareykanka. (Kusoo dhawaw Mareykanka).

Tixraac: Travel.state.gov

Post a Comment

0 Comments