Baro 22-ka dawladood ee Carbeed

Wadamada ku midoobey Jaamacada Carabta iyo tirada shucuubtooda.

Ururka Jaamacada Carabta waa urur Goboleeed ay ku mideysanyihiin 22 dawladood,kaas oo 1945kii lagu dhisey Qaahira, si loo xoojiyo iskaashiga siyaasada,iyo dhaqan-dhaqaalaha dawladaha Xubnaha ka ah. 


 Bilawgii waxa ku midoobey lix dawladood -Masar,sacuudiga, suuriya,Iraq,urdun iyo lebnaan,kolba dal sidii uu ugusoo biirayey ayay noqdeen 22 dawladood. Dalkii ugu dambeeyey ee kusoo Biira Ururkan waa Jasiirada Komoroos. 


Dawladaha ku mideysan ururkan waa kuwa aad ukala duwan marka laga eego dhanka juqraafiga,dhaqaalaha iyo shucuubta ku nool. Dawladahan 11 ka mid ahi waxa ay dhacaan jasiirada Carabta iyo Bariga dhexe, halka 11 kalena ku yaalaan Bariga iyo waqooyiga Afrika. 


Qaarkood waxa ay ka mid yihiin dawladaha ugu horumarsan Caalamka halka qaarna meel hore kaga jiraan liiska faqriga. 

Iskudarka shucuubta ku nool Dawladahan waxa lagu qiyaasaa 500 milyan oo Ruux. 

Waxa aan halkan kusoo gudbin doonaa liiska dawladahan sida ay ukala dad badanyihiin;


1. MASAR (EGYPT)

Jamhuuriyada Masar ee Carbeed waa dawlada ugu dadka badan dalalka ku bahoobey Ururka. Dawladani waa mid dhaqaale ahaan xoogan lehna Cudud ciidan oo meel sare kaga jira liiska dawladaha ugu difaaca xoogan Dunida. 

Masar waxa ku nool dad ku dhaw 1,18 milyan oo Ruux. 

2. SUUDAAN

Dawlada Suudaan waa dalkale oo Carbeed kaas oo dhaca waqooyiga Afrika , waana dalka labaad ee ugu dadka badan Ururka Jaamacada Carabta. 

Dadka dalkan waxa lagu sheegaa waxka badan 50 milyan oo qof. 

3. ALJEERIYA 

Aljeeriya waa dar carbeed oo weyn kaas oo dhaca waqooyiga Afrika.  

Aljeeriya waa dalka ugu dhulka weyn Qaarada Afrika. Shacabka aljeeriya waxa lagu qiyaasaa 46 milyan.  

4. CIRAAQ 

Waa dal ku yaala bariga dhexe kaas oo leh xadaarad fog, waxa la sheegaa in Iraaq tahay meelihii ugu horeeyey ee laga Aasaaso nidaam dawladeed (waa baabilon). Ciraaq oo ka mid ah dawladaha ay ragaadiyeen colaadaha sokeeye iyo kuwa afkaarta ku dhisan ayaa hada kasoo kabanaysa dhib dhac dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirtey tobanaan sano. 

Dadka ku nool ciraaq waxa lagu sheegay 46 milyan oo qof. 

5. YEMEN 

Waa dawlad qadiimi ah hadase ka maqan stageka caalamka colaado jiitamey darteed

 Dalkan intiisa badan waxa gacanta ku haya ururka xuutiyiinta oo ah firqo shiico ah. Dadka ku dhaqan dalkan waxa ay ku dhawyihiin 40 milyan. 

6. MOROOKO

waa dawlad carbeed oo dhacda waqooyiga Afrika, waana dal hodan ah. Waa meelihii ugu horeeyey ee laga sameeyo jaamacad.

Dalkan oo ah nidaam boqortooyo qadiimi ah, ayaa Shacabkiisa waxa lagu sheegaa 38 milyan oo qof. 


7. Boqortooyada Sacuudi Carabiya 

Waa dalka ugu weyn dawladaha carbeed qaarada Ayshiya. Dalkan ku dhisan nidaamka boqortooyada ee kursiga la kala dhaxlo ayaa la aasaasey 1924kii. Boqortooyada sacuudiga waxa ay nasiib u heshay in ay ku yaalaan labada magaalo ee ugu xurmada badan Dunida. 

Shacabka Sacuudigu waa wax ka badan 35 milyan

8. SUURIYA 

Jamhuuriyada Carbeed ee suuriya oo waqti ahaa meelaha cilmiga loo doonto ayaa hada kasoo kabaneysa dagaalo ragaadiyey. Dimishiq oo ah caasimada Suuriya waxa ay ahaan jirtey caasimada dawladii Umawiyiinta. 

Shacabka Suuriya waa 24 milyan waxka badan. 

9. SOOMAALIYA 

Soomaaliya waa dal carbeed oo dhaca bariga Afrika. Jaamacada Carabta waxa ay ku biirtey 1974. 

Shacabka soomaliya waxa ay ka badanyihiin 20 milyan.

10. TUUNISIYA 

Tuunisiya waa dal dhaca waqooyiga Afrika, waa dalkii uu ka bilaabmay gu'gii Carabtu. Shacabkiisana waxa lagu qiyaasaa 12 milyan oo ruux.  

11. URDUN(jordan)

Boqortooyada Urdun ama Jordan waa dal yar oo ku yaala bariga dhexe,jaarna la ah Falastiin. Dalkan waa mid ay hogaamiyaan madax aan mawqifkooda siyaasadeed cadeyn marka ay timaado Qadiyada Falastiin. 

Caasimada dalkan waa Camaan. Dadka ku dhaqan Urdun waa 11 milyan oo ruux. 

12. IMAARAATKA CARABTA 

Dalka imaaradaha midoobey ee Carbeed waa dal qani ah oo ku yaala bariga dhexe. Dalkan waa federaalka todobada imaaradood oo isku tagay. Inkasta oo dadka dalkan ku dhaqan yihiin 10 milyan hadana shacabka Asalka ah ee imaaraatigu waxa ay ka yihiin 11%. 

13. LIIBIYA 

Dalka liibiya waa dal qani ku ah saliida oo ku yaala waqooyiga Africa. Liibiya waxa ay ka midthay dawladaha islaamka ah ee colaaduhu ragaadiyeen. 

Shacabka liibiya waa in ka badan 6 milyan. 

14. LEBNAAN 

Dalka lebnaan waa dal yar oo dhaca bariga dhexe. bulshooyin kala diimo ah ayaa ku dhaqan hase ahatee Muslimiinta ayaa ubadan. Dadkiisuna waa ilaa 6 milyan. 

15. FALASTIIN 

Falastiin waa dal ku yaala bariga dhexe. Waa dal inta badan indhaha caalamku ka jeesanin. Shacabka Falastiiniyiintu waa inka badan 5 milyan. 

16. CUMAAN 

Saldanada cumaan waa dal qani ah oo kulaalaya gacanka beershiya ama gacanka hurmuz ee mashquulka badan. Shacabka asalka ah ee saldanada cumaan waa 67% tirada dadka dalka ku nool oo ilaa 5 milyan ah. 

17. MURITAANIYA 

Jamhuuriyada Islaamiga ah ee muritaaniya waa dal carbeed oo ku yaala waqooyi-galbeed Afrika. Shacabka muritaaniya waxa lagu qiyaasaa ilaa 5 milyan.  

18. KUWAYT

Dalka Kuwait waa dal nidaam boqortooyo ah oo qani ah. Shacabka dalkan udhashey bulshada waxa ay ka yihiin 40% ,halka inta kale ay yihiin ajaanib.


19. QATAR 

Dawlada Qatar waa dal yar oo ku yaala jasiirada Carabta. Waa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan Dunida. Shacabka Qatar waxa ku nool dad ajaanib ah oo aad ubadan, halka dadka asal ahaan Qatari ah ay dalka ka yihiin 11% - 15%. Dadka dalkana waxa lagu qiyaasaa ilaa 2 milyan muwaadin iyo ajanabiba. 

20. BAXREYN

Boqortooyada Baxreyn waa dal jasiirad ah oo dhaca jasiirada Carbeed,kaas oo kulaalaya gacanka beershiya. BAXREYN Waxa ay dalalka kale ee Carbeed kala Simantahay in ajaanibtu ka badanyihiin muwaadiniinta. 46% ayay dadka udhashey ka yihiin tirada guud ee shacabka Dalka. 

21. DJIBOUTI 

Jamhuuriyada Djibouti waa dal dhaca geeska Afrika, kuna yaala goob muhiim u ah isku socodka badeecadaha dunida,caalamkuna indhaha ku hayo. Dalkan waxa uu kulaalayaa gacanka Cadmeed iyo baab almendab. Shacabka ku dhaqan Djibouti ayaa gaadhaya 1.5 milyan oo Ruux. 

22. KOMOROOS 

Jasiirada Komoroos waa dal yar oo ku yaala bad weynta hindiya. Xidhiidhka fog ee ay la lahaayeen carabta, iyo in luuqada Carabiga thy afka rasmiga ah ayaa ka dhigtey in ay ka mid noqdaan jaamacada Carabta. 

Shacabka dalkan waxa lagu qiyaasaa wax hal milyan ku dhaw. 


W/Q : Osman Assod

Post a Comment

0 Comments