Arimo hadii aad la timaadid albaabada rizqigu kuu furmayaan,maalkana laguugu balaadhinayo.
Dhamaanteen waxa aan ubaahanahay in Allah SWT uu inoo balaadhiyo arzaaqada oo uu inoo furo albaabada rizqigiisa. Waxa loo kalahayo ee loo galab caarabayaa waa raadinta arzaaq waasic ah,hase ahatee waxay naan ogayn in Arzaaqadu meesha aan ka raadinayno aaney ku jirin balse keliya ay naga xigto in aan la nimaadno shuruud/qawaaniin uu Illaahay udhigey dalabka kasab xalaal ah.
Illaahay gaal iyo islaamba uu arzaaqaa,mid caabuda iyo mid caasiyaba uu siiyaa maalka. Kii qaab xaraam ah udalbana xaraam buu ku helaa, midkii dariiq xalaal ah ku raadiyana xalaal buu ku helaa. Waxa aan Alle weydiisanayno waa arzaaq xalaal ah iyo in uu inoo fududeeyo dariiqa an umari lahayn. Sidaas darteed waxa lagama maarmaan ah in aan la nimaadno qawaacid uu iilaahay udhigay dalabka rizqiga ,qawaacidaas oo ku sugan Nusuusta qur'aanka iyo Axaadiithta.
Hadaba,waxan qormadeena kusoo qaadanaynaa qodobo dhawr ah oo loo baahanyahay in qofku la yimaado si uu illaahy ugu furo albaabada rizqiga ama ugu balaadhiyo maalka uu haysto. Dhamaan qodobadani maaha kuwo aan malo-awaalnay oo aan maskaxdeena ka keenay balse waa kuwo aan kalasoo dhexbaxnay qur'aanka iyo sunada Nebiga SCW . Qodobkastana waxa uu wataa cadeymo ama daliilo aan ka keenay qur'anka iyo Axaadiithta suubanaha SCW. Waxana ka mid ah;
- ALLE KA CABSI( التقو الله)
Aayado badan oo ka mid ah qur'anka kariimka ayaa kusoo arooray Alle ka cabsiga iyo waxyaabaha lagu helo. Alle ka cabsi macnaheedu waa wixii Alle ku farey ee wanaag ah oo aad la timaado iyo wixii xumaan ah ee lagaa reebay oo aad ka tagtid. Qofka intaas laga helo illaahay waxa uu u balanqaadey in Aduun iyo Aakhiraba uu liibaanayo.
Aadbay ubadanyihiin aayadaha kusoo aroorey Alle ka cabsiga,waxan kasoo qaadanaynaa qawlka Illaahay SWT; (ومن يتق الله يجعله له مخرجا ويرزقه من حيث يحتسب)
<<qofka illaahay ka cabsada waxa uu siiyaa albaab uu uga baxo dhibaatada mid dhaqaale, mid caafimaad,mid jahli iyo nooc kasta oo mashaakil ah,waxana uu ka Arzaaqaa meel aanu filayn>> .
- ILLAAHAY TALO SAARO(توكل على الله)
In aad amuurahaaga Illaahay utalosaarato waxa ay ka mid tahay asbaabaha lagu balaadhiyo Rizqiga. Loolama jeedo intaad gacmaha iska laabato in aad tiraahdid illaahayban talo saartey,ee waa in aad la timaadaa sababta kadibna Alle utalowakiiladaa wixii dhiman. Adiladu way badantahay waxana ka mid ah Qawlka Rabi SWT:[ومن يتكل على الله فهو حسبه]
<<qofka illaahay taladiisa udhiibtaa,illaahay SWT isaga ayaa ku filan>>. Xaqiiqo weyi Alle SWT isaga ayaa ku filan, qof alle ku xidhana ma hoogo.
- XIDHIIDHINTA QARAABADA(صلة الرحم).
Xidhiidhinta qaraabadu waxa ay ka mid tahay qawaaniinta uu ilaahay udhigay balaadhinta Arzaaqada iyo cumriga. Waana waajibaatka ugu waaweyn ee qofka muslimka ah saaran. Sida aan ka warqabanana aad ayay agteena ugu dayacantahay arintaasi. Qaraabada oo la xidhiidhiyo oo la wanaajiyo waa Asbaabaha ugu horeeya ee barakeynta Rizqiga. Waxana u daliil ah:
أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: من سره أن يبسط له في رزقه وينسأ له في أثره، فليصل رحمه.
Nebigu wuxuu yidhi SCW<<Qofka jecel in Arzaaqada loo balaadhiyo cumrigana loo barakeeyo ha xidhiidhiyo qaraabadiisa>>.
- ISTIQFAARTA(الإستغفار).
Istiqfaartu waana digri waana duco,in carabkaaga aad ku celceliso astaqfirullaah waa mid ka mid ah asbaabaha lagu balaadhiyo Arzaaqada. Qawlka Illahay baana udaliil ah:قال تعالى: {فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا (10) يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا (11) وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَارًا (12) } [ نوح]
ILLAAHAY waxa uu yidhi SWT << waxaan ku yidhi(Nebi nuux isaga oo la hadlaya qoomkiisa) Rabigiina Dembi dhaaf weydiista, isagu(Rabigiin) Waa mid dembi dhaaf badane ah,waxa uu samada idinka keeni roob dhibco waaweyn ,waxana uu idin siyaadin maalkiina iyo awlaadina,ilaa dhamaadka ayaada...>>.
Aad ayay utiro badantahay nusuusta qur'an iyo xadiithba leh ee kusoo aroortey in istiqfaartu siyaadiso arzaaqada. Waxan umalaybaayaa in qawlkaa Illahay ingaga filanyahay.
- SALIGA NEBIGA SCW
Saliga Nebiga waa mid ka mid ah asbaabaha qofka ku gaadho himiladiisa Aduun iyo aakhiraba. In Illahay kaaga filnaado hamigaaga oo danaha aad leedahay illahay kuu fududeeyo isla markaana dembigaaga ku dhaafo ayaa lagu helaa Saliga Nebiga.قال صلى الله عليه وسلم لأبي بن كعب لما قال له: أجعل لك صلاتي كلها؟: ( إذا تكفى همك، ويغفر لك ذنبك ) وهو حديث حسن، رواه الترمذي وغيره
- KALAHAADA
Kalahaadu waa qodobka rag ku kala tegay Hadii ay jirto asbaab maadi ah oo dadka Dib udhigta ama horumarisa waa midan!,sababtoo ah arintan kalahaada maaha mid gaal iyo islaam ku xidhan,qofka hadii uu kalaho waa hubaal in uu heer ka gaadhayo nolosha,wax badana hanan karo. In habeenkii horey loo seexdo ,aroortiina la kalaho waa sunaha kawniga ah ee illaahay udejiyey Nolosha. Ma jiro qof kalahaad badan oo nolosha cabasho ka qaba waxyar mooyee.
Shareecadeenuna aad bay udhiirigelisay kalahaada iyo aroor hore in shaqo loo baxo.
Nebigu SCW waa ugu duceeyey umadisa kalahaada,ducada suubanuhuna waa mid la aqbalayo.:<ilaahaw umadeyda ubarakee kalahaada........>
عن صَخْر بن وَدَاعَة الغامدي رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «اللهم بارك لأمتي في بُكُورها» وكان إذا بعَث سَرِيَّةً أو جيشًا بعَثَهم من أوَّل النهار، وكان صَخْر تاجرًا، وكان يبعث تِجارته أوَّل النهار، فأَثْرَى وكثُر مالُه.
Shareecadeenuna aad bay udhiirigelisay kalahaada iyo aroor hore in shaqo loo baxo.
Nebigu SCW waa ugu duceeyey umadisa kalahaada,ducada suubanuhuna waa mid la aqbalayo.:<ilaahaw umadeyda ubarakee kalahaada........>
عن صَخْر بن وَدَاعَة الغامدي رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «اللهم بارك لأمتي في بُكُورها» وكان إذا بعَث سَرِيَّةً أو جيشًا بعَثَهم من أوَّل النهار، وكان صَخْر تاجرًا، وكان يبعث تِجارته أوَّل النهار، فأَثْرَى وكثُر مالُه.
- SADAQADA(الصدقة)
Sidaa oo kale Sadaqadu maalka way siyaadisaa,barakana way kusoo jiidaa. Sadaqadu maaha keliya in markaad hanti badan yeelato aad bixiso, waa in aad wixii aad bixin kartaba bixisid. Qawlkaa illaahay ayaa udaliil ah in sadaqadu siyaasido maalka oo uu illaahay ulaba jibaarayo midka wax la baxa;
(مَّن ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَاعِفَهُ لَهُ وَلَهُ
أَجْرٌ كَرِيمٌ )
(مَّن ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَاعِفَهُ لَهُ وَلَهُ
أَجْرٌ كَرِيمٌ )
- GUURKA
Badanaa waxa aan ka maagnaa guurka, madaama oo aan hanti fiican haysan. Kawaran hadiiba hantida aad sugeysid ku xidhantahay in aad guursatid ,maadama oo ilaaahay balanqaadey in uu qani ka dhigayo kuwa guursada,muxuu yahay balanka Illaahay balanka ka weyn ee aad sugi lahayd!. Allaha weyn ee waaxidka ah waxa uu qur'anka munazalka ah ku sheegay in loo guuriyo kuwa aan weli guursan,hadii ay sabool yihiina uu isagu Qani ka dhigayo.
وَأَنكِحُوا الأَيَامَى مِنْكُمْ وَالصَّالِحِينَ مِنْ عِبَادِكُمْ وَإِمَائِكُمْ إِنْ يَكُونُوا فُقَرَاءَ يُغْنِهِمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ [النور:32]؟
وَأَنكِحُوا الأَيَامَى مِنْكُمْ وَالصَّالِحِينَ مِنْ عِبَادِكُمْ وَإِمَائِكُمْ إِنْ يَكُونُوا فُقَرَاءَ يُغْنِهِمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ [النور:32]؟

0 Comments