Tobanka Magaalo ee ugu dadka badan geyiga Soomalida.


Geeska Afrika oo ah buqcad ay si weyn udeganyihiin bulshada soomalida, ayaa lagu tiriyaa meelaha ugu muhiimsan juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaanba caalamka, taas oo ka dhigtey inta badan mid aan deganayn Amni ahaan,gacmo  shisheeye awgeed.


Bulshada soomalida ee geeska Afrika ayaa ku dhaqan dhul aad ubalaadhan oo aaney ka jirin cufnaan bulsho (population density) badan, laga soo bilaabo waqooyi bari Kenya ,mooyaale, soomali galbeed ilaa khooriga Tadjoura ee Bab Al Mendab ayuu fidsanyahay dhulka soomalidu.  Waana dal aad uga baaladhan marka loo eego mujtamaca ku dhaqan tiradooda.

Hadaba,maaqaalkeenan waxan kusoo qaadaneynaa Tobanka magaalo ee ugu dadka badan, uguna weyn Geyiga Soomalida. Xogtan tirada bulshada ku dhaqan magaalo kasta waxaan kasoo xiganay ilo lagu kalsoonaan karo oo kala duwan, kuwa gudaha ah iyo kuwa caalami ahba sida Baanka Aduunka.

1. MOGADISHU

Magaalada Mogadishu sidoo kalena loo yaqaan Xamar waxan shaki ka taagneyn in ay tahay magaalada ugu weyn uguna dadka badan ee Soomali leedahay, waana Caasimada Dawlada federalka Soomaliya. 

Taariikhda inta laga ogyahay soomaliya waxa la sameeyey laba tirakoob oo qudha mar 1974kii ah ,iyo  sanadkii 1986 wana tirokoobkii( census) ugu dambeeyey ee laga sameeyo guud ahaan Soomaliya.  Sidaas darteed,  waxa adag in si sax ah loo helo tirada saxda ah ee dadka Ku nool Caasimada Xamar.
Hase ahatee, hay'adaha Qaramada midoobey iyo Baanka Aduunka ayaa sameeya tirokoob qiyaas ah oo u dhaw  xogta saxda ah. Sida aan kasoo xiganay Baanka Aduunka Caasimada Mogadishu waxa ku nool dad ku dhaw 3 milyan oo Ruux ,marku lagu daro barakaca gudaha(IDPs).

Waxyaabaha ay caanka ku tahay waxa ka mid ah Masaajidka Isbaahaysiga,Suuqa Bakaaraha,xeebta Liido iyo bulsho adkeysi badan oo horumarka uheelan.

2. HARGEYSA

Waa caasimada Jamhuuriyada soomaliland tan iyo 1991 oo ay soomaliland ka go'day midawgii Dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyada Soomalida.
Magaalada Hargeysa waa magaalada labaad ee ugu weyn Dhulka soomalida dad ahaan,waxana lagu qiyaasaa shacabka ku nool in ka badan 1milyan oo ruux.

Sidoo kale, magaaladan iyo inta ay caasimada utahayba ma jirto tirokoob sax ah oo lagu sameeyey tan iyo 1986. Sidaas darteed, way adagtahay in la sheego tirada dhabta ah ee Shacabka caasimada Hargeysa. Xogtan waxan kasoo xiganay qiyaas uu sameeyey baanka Aduunka sanadihii udambeeyey.
Hase ahatee, waxan shaki ka taagneyn in magaaladani tahay mida labaad ee ugu dadka badan geyiga soomalida marka laga yimaado Xamar.

Magaaladani waxa ay caan ku tahay fanka iyo suugaanta.
Goobaha caanka ah waxa ka mid ah Beerta xoriyada iyo Suuqa Waaheen.
Dadka caanka ah ee magaaladan kasoo jeeday waxa ka mid ah Sheekh Madar(AUN), Ganacsade jirde Xuseen(AUN) iyo qaarkale.

3. DJIBUUTI

Jibuuti/Jabuuti waa Caasimada Jamhuuriyada Djibouti dal dhaca cidhifka waqooyi ee geeska Afrika. Tiroobkii ugu dambeeyey ee Jamhuriyadda Djibouti sameyso waxa uu ahaa 2024 kaas oo lagu sheegay in 72.8% bulshada Djibouti ku dhaqantahay caasimada dalkaas. Waana tiro lagu sheegay 800,000 oo Ruux.  Tan iyo xiligay calanka qaadatey Djibouti waxa la sameeyey laba tirokoob oo keli ah waana 2009 iyo 2024.  Xogtan waa mid aan kasoo xiganay machad qaran ee tirokoobka Djibouti oo loo yaqaaan INSTAD  ( National statistical instituteof Djibouti).

Magaaladani waxa ay caan ku tahay kaalmaha ugu horeeyana kaga jirtaa dekedaha casriga ah ee wax kasoo degaan lagana dhoofiyo ,waana kuwo kulaalaya Baab almendab-marin ay ka gudbaan ganacsiga Aduunka khaasatan yurub,eyshiya iyo Afrika.

Dadka caanka ah ee magaaladan kasoo jeeda waxa ka mid ah ; Alxaaji Xassan Guuleed Abtidoon(AUN), Maxamuud Xarbi faarax(AUN), Axmed saalax iyo qaarkale.

4. DHIRE DHABA

Dire dhaba  waa caasimada is maamulka Dire dhaba oo si toos ah uhoos taga Federalka Ethiopia. Dire dhaba waa magaalo taariikhi ah kana mid ah magaaloyinka ugu magaca weyn Ethiopia. Waa magaalo ay usoo hijroodaan dad badan oo nolol raadis ah oo qoomiyadaha kale ee Ethiopia ah. 
Shacabka ku nool magaaladan ayaa lagu sheegaa in ka badan 550,000 oo Qof.

Waxyaabaha ay caanka ku tahay waxa ka mid tahay jidadka tareenada isku xidha Ethiopia iyo Djibouti.
Dadka caanka ah ee magaaladan kasoo jeeday waxa ka mid ah Ugaas Xassan xirsi (AUN), Sheekh Xabiib(AUN) ,Ganacsade maxamuud Boore(AUN) iyo rag kale.

5. BAYDHABO

Baybadho waa caasimada iyo magaalada ugu weyn maamul goboleedka koofur galbeed ee Soomaliya. Waxa ay ahaan jirtey hadana ka mid tahay magaaloyinka ugu waaweyn guud ahaan soomaliya. Magaalada baydhabo tirokoob la'aanta waxa ay kala simantahay soomaliya inteeda kale. Hase ahatee,waxa jira tirokoob qiyaas ah oo ay sameeyaan hay'adaha caalamiga. Tirada dadka ku nool Baybadho waxa lagu sheegay in ka badan nus milyan ruux.
Baybadho oo sidoo kale xarun u ah gobolka baay ,waxyaabaha ay caanka ku tahay waxa ka mid ah waxsoosaarka beeraha iyo ,dhaqashada xoolaha.
Dadka caanka ah ee kasoo jeeda magaalada waxa ka mid ah General
Shaatiguduud(AUN) hogaamiyihii jabhada RRA, sharif hassan sh. Aaden iyo ragkale.

6. BURCO

Burco waa magaalada labaad ee ugu weyn somaliland shaki la'aan, waana mid ka mid ah magaaloyinka ugu camiran geyiga soomalida.
Inkasta oo aaney jirin tirakoob sax ah oo muujinaya dadka ku dhaqan magaaladan ,doorashadii 2024 ee somaliland waxa iska diwaangeliyey 183kun oo cod bixiye. Sida ay muujinayaan xogaha world bank ,dadka ku nool magaaladan waxa lagu qiyaasaa wax ku dhaw 500,000 oo qof.  Burco waa xarunta gobolka Togdheer.

Waxyaabaha ay caanka ku tahay waxa ka mid ah saylada xoolaha ee burco oo ah mida ugu weyn somaliland,waana ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan magaaladan.
Dadka caanka ah ee kasoo jeeday magaaladan waxa ka mid ah mujaahid sheekh bashiir (AUN), Abwaan Maxamed ibrahim warsame Hadraawi(AUN).

7.  JIGJIGA

Jigjiga waa caasimada dawlada Deegaanka soomalida. Waxa ay caasimad noqotey 1995kii, kadib markii caasimada deegaanka lagasoo wareejiyey magaalada Godey oo horey caasimad uahayd.  Magaaladan waa mid koboc weyn sameysay tan iyo intii loosoo wareejiyey xarumaha maamulka somali galbeed.

Jigjiga waa mid ka mid ah shanta magaalo ee ugu caansan shanta soomaliyeed. Sida aan kasoo xiganay ilo kala duwan shacabka ku dhaqan magaalada jigjiga waxa lagu qiyaasaa nus milyan ruux, hadii aaney ka badneyn.
Goobaha caanka ah ee magaaladan waxa ka mid ah buurta kaaramardha,iyo Taalada sayidka.
Shakhsiyaadka caanka ah ee kasoo jeeday magaaladan waxa ka mid ah Garaad wiilwaal(AUN),sheekh Yuusuf baxar(AUN) iyo ragkale.

8. BOOSAASO

Boosaaso waa caasimada Gobolka Bari ee Soomaaliya,waana Caasimada ganacsiga ee maamulka Puntland. Waa mid ka mid ah magaaloyinka  ugu caansan geyiga Soomalida. Waana magaalo xeebeed kulaaleysa Bada cas. Sidoo kale, shacabka magaalada Boosaaso laguma sameyn wax tirokoob ah oo sax ah tan iyo xukuumadii kacaanka 1986. Hase ahatee, daraasada ay sameeyaan Hay'adaha caalamiga  waxa lagu sheegay in Magaalada Boosaaso ay ku noolyihiin dad gaadhaya nus milyan ruux.

Degmadani waxa ay caan ku tahay ganacsiga bada,waana mid si weyn ugu xidhan Dalalka khaliijka carabta iyo Dalalka kale ee qaarada Eeyshiya.
Dadka caanka ah ee boosaaso ku dhashay waxa ka mid ah Ugaas xassan Ugaas yasiin iyo ragkale.

9. BOORAMA

Borama waa caasimada gobolka Awdal, waa magaalo magac weyn ku leh geyiga Soomalida. Borama waa mid koboc weyn sameysay 20kii sano ee udambeeyey waxana ay kaalmaha hore kaga jirtaa meelaha loo dalxiis tago ee caanka ah.

Borama dhanka tirakoobka waxa ay kala simantahay magaalooyinka kale ,mana jirto tirokoob rasmi ah oo lagu sameeyey tan iyo dawladii kacaanka.  Dadka kuu nool magaalada borama waxa lagu qiyaasaa in ka badan 300,000 oo qof.

Magaaladani goobaha ay caanka ku tahay waxa ka mid ah Jaamacada Camuud oo la aasaasey 1998 kadib burburkii dawladii kacaanka.
Dadka caanka ah ee Magaaladan kasoo jeeda waxa ka mid ah Col. Muuse Rabiile Good, Sheekh Cali Jawhar iyo qaarkale.

10. GAROOWE

Magaalada Garoowe waa caasimada Maamulka Puntland waana xarunta maamulka Gobolka Nugaal. Garoowe waa magaalo caan ah marka ay noqoto Siyaasada Soomalida. Meelaha caanka ah ee magaaladan waxa ka mid ah Barxada Garoowe iyo wadooyinka bilicda leh.
Dadka caanka ah ee magaaladan kasoo jeeday waxa ka mid ah Cabdiraxmaan faroole iyo qaarkale.

Tixraac: world bank,world Atlas,city population.
National statistical institute of Djibouti.
Central statistical agency of Ethiopia. 
Somaliland National Electoral Commission. 

Post a Comment

0 Comments